Important advice, for fasting pregnant women.

Important advice, for fasting pregnant women.

Pregnant woman, Pregnancy

Source: Pixabay

Sida ay cadaynayso gabadha cunada ku takhasustay Qaza Albadwi, Soonku khatar kuma ah gabadha uurka ah iy ilmaheedaba, hadii ayna jirin cilada kale oo soonka ka baxsan oo gabadha haysta ama ay qabto.

Gabadhan oo warbixin siisay websitka Aljazeera.net, ayaa waxa ay sheegtay, in gabadha uurka ah ee qorshaynaysa in ay soonto,  in ay haboontahay ugu horaynta in ay la tashato takhtarkeeda, si uu oogu sheego in ay soomi karto iyo in kale.

Qaza ayaa sheegtay xaaladaha qaar ee gabadhu ayna soomi karin, sida hadii dhiigu ku kacsanyahay, haday qabto cudurka sonkoroowga, dawadiisana qaadato, hadii ay ku jirto bilaha hore ee uurka, mantaq  joogta ahna ay leedahay.

Hadii gabdha uurka ahi ay goosato in ay soonto, kadib markii ay la tashatay takhtarkeeda, markaas waa in ay dadaal dheeraada samaysaa dhanka ugaanshaha xaaladeeda, iyo sidoo kale cuntadeeda.

Waa in gabadha uurka ahi ay cuntaa cunta isu dheeli tiran, iyadoo badsanaysa : qudaarta , caanaha iyo cuooyinka caanaha laga sameeyo, iyo cuntada bortiinka  (protein)  laga helo sida hilibka, malayga, hilibka digaaga  IWM.

Gabadhan ayaa ku talinaysa in gabadha uurka ahi ay isak yarayso ama iska dayso Shaaha iyo Qaxwada iyo wixii la xidhiidha, sababtoo ah jirka gabadha  ayay qalayl u keenaysaa, sidoo kalena ay iska dayso cuntada dufanka ama saliidu ku badantahay, taasoo  culays ama buuri u keenaysa. Isla mar ahaantaana waxay ku talinaysaa in biyo badan ay cabto 8-10  koob oo biya ah habeenkiiba.

Qaza, ayaa waxay  ku talinaysaa in ay gabadha uurka ahi,  ee soomaysa ay aad u dib dhigto suxuurta inta ay karto, taas oo siinaysa fursad in ay awood lahaato.

Ugu danbaynta Qaza Albadwi, ayaa waxay kula talinaysaa in gabadha uurka ah ay degdeg u afurto hadii ay isku aragto wareer ama waxa la dhihi karo indhaha oo si wareer ku jiro u maanseeya.


Share
2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Important advice, for fasting pregnant women. | SBS Somali