In Australia, Lack of sun may cause for children rickets disease.

In Australia, Lack of sun may cause for children rickets disease.

Baby Willow was diagnosed with vitamin D deficiency when she was born

Source: The Sunday Morning Herald

Qorax la’aantu waxay caruurta u keentaa cudur lafaha ku dhaca.

Warbixn lagu soo daabacay wargayska:The Sunday Morning Herald, cadadkiisii soo baxay 03/02/2018, ayaa lgu daabacay qorax la’aantu in ay caruurta ku keeni karto cudurka Lafaha.

Fetamiin D ga ayaa muhiim u ah nolasha bani aadanka, iyadoo laga helo qoraxda iyo sidoo kale cuntooyinka qaar la cuno. Australia gudaheeda ayaa cudurka lafaha (rickets) uu sii fidayaa, iyadoo boqolaal caruura uu ku dhaco.

Siyaabaha uu caruurta oogu dhaco cudurka lafuhu.

Sida takhaatiirtu ay cadeeyeen, cudurkan ayaa ilmaha waxa uu kaga biloowdaa hadii hooyadu marka ay uurka tahay uu Vitamin D geedu hooseeyo, kadib marka ay ilmaha umushana ayna waxba iska badalin xaaladeedu, markaas ilmaha, xitaa marka uu naaska nuugayo - iyadoo ay caanaha naaska ilmaha mihiim uyihiin – balse maadaama vitamin D ga hooyadu uu hooseeyo, cunugu hooyada markaas vitamin D ku filan kama helayo, markaas hadii uusan ilmuhu vitamin D ga si kale ku helin, waxa suurta gala in uu cudurka lafaha qaado. Sida takhaatiirtu ay cadeeyeen, cudurkan ayaa saamaytiisu gaadhsiisantahay in uu 10 kii qofba 1 qof kaga dhici karo.

Sida wargayska The Sunday Morning Herald bogiisa lagu soo daabacay, sbitaalka Caruurta ee Monash ayaa arintan takhaatiirtu ay dareemeen, iyadoo Isbitaalka la keenay 4 ilmood oo 6 bilood ka weyn oo qaba cudurka Lafaha iyo qalalka.  Takhaatiirta ayaa sheegay in caruurtaas qaar ay isla hadaba laga dareemi karo isbadaka uu ku sameeyay cudurku qalfoota jirka.

Sidee loo daweyni karaa?

Takhaatiirta ayaa sheegay in dawada cudurkani ay suura gal tahay hadii waqti hore lagu ogaado, isla markaasna la daweeyo.  Basle sdoo kale waxa ay sheegeen in hadii aan waqti hore lagu baraarugin cudurka, lana dawayni waayo, in ay suura gal tahay in uu dhalan gadi joogta ah oo dhanka lafha jirka ah in uu ku keeni karo.

 Dhinacyada  cudurkan u nugul.

Takhaatiirtu sida ay sheegeen, cudurkan ayaa waxaa u nugul dadka midabka madow, iyo dadka jidkooda dada ama xijaaba  marka ay banaanka u baxayaan.

Sida ay qeexayso daraasa la sameeyay 2012,  caruurta Australia ee cudurka lafuhu (rickets) hayo, tiradooda guudina ay tahay 398,  wax ku dhaw kala badh tiradasi waxaa dhalay waalid ku dhashay Suudaan. Balse taasi kama dhigna dadka dubka cadi in ay aamin ka yihiin cudurkaas.

Hoosaynta vitamin D ga oo dawo loo qaato

Catherine Be, ahna gabadh asal ahaan kasoo jeeda Vietnamese, Shaqadeeduna ay tahay Computerka, midab furana leh, ayaa laga daweeyay hoos u dhaca vitamin D ga, markay uurka ahayd cunugeedii oog uhoreeyay. Gabadheedii ay uurka ku siday markay dhashay iyadiina dawa dhamaystira oo Vitamin D, ayaa la siiyay.  Catherine, oo arintaas ka hadashayna waxa ay sheegtay in mar walba  ayna heli jirin qorax ku filan, sababtoo ah maadaama ay ka shaqayso Computer, inta badan waxa ay ku jirtaa xafiis dhexdiis, sidaasna ma ay hesho qorax ku filan.

Dareenka cudurka lafaha

Professor Craig Munns, ahna takhtarka caruurta, ayaa isagu soo saaray sanadii 2012 daraasa uu ku cadeeyay hoosaynta vitamin D, iyo cudurka lafaha ( rickets) in ay yihiin xaalad cusub oo caafimaad daro ah oo kusoo kordhaysa Australia dhaxdeeda. Isagoo waqtigaas oogu yeedhay olole caafimaad oo aritaas laga sameeyo, balse waxba lagama hoos qaadin.

Hadase waxa uu ku talinayaa in wali ay taagantahay baahidii ololaha ee cudurkan, isagoo sheegay in ay tahay in la siiyo qof kasta oo dumara oo uura vitamin D, lana siiyo ilma kasta oo dhasha inta uu ku jiro 12 bilood ee u horeeya.

 Talada takhaatiirta

Takhaatiirta Isbitaalka Monash ayaa sheegay in talooyinka dhinaca la tacaalka hoosaynta vitamin D iyo cudurka lafaha in aan sidii loo baahna loo raacin, sheegeena in caruurta arintaan la ilxun ay iska socdaan, wax dawa ahna aan la siinin, mar walbana ay kusoo dhacayaan qaybta xaaladaha degdega ah.

Waxaa kale oo takhaatiirtu ay sheegeen in hababka lagu ogaani karo caruurta ciladahaan qaba in aan si qaabaysan loo samaynin.

Takhaatiirtu waxaa kale oo ay ku taliyeen, in warqadaha caafimaadka ee caruurta in cudurkaan dawayntiisa lagu biiriyo, iyadoo marka uu qaato ilmuhu la sixi karo, hadii aan la saxiixina la dareemi karo in uusan wali qaadanin, kadibna la siiyo.

 


Share
4 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand