Shirkadaha diyaarada caalamka qaarkood ayaa duulimaadkayada ka joojiyay nooca diyaarada Boeing 7-3-7 MAX-8 kadib markii ay labo jeer 6 bilood ee u danbeeyay ay dhacday.
Ugu yaraan 157 oo qof ayaa dhintay Axadii markii diyaarada Ethiopian Airline uu kusii jeeday Kenya ay dhacday.
Nooca A MAX-ayaa sidoo kale ku dhacday Indonesia October sanadkii lasoo dhaafay taasoo ay ku dhinteen 189 qof.
Diyaaradii dhacday axadii ayaa waxaa saarnaa dad u dhashay 35 dal oo uu ku jiray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Slovakia.
Wasaarada arimaha dibada Australia ayaa sheegtay inaysan war sheegaya in cid Australian ah ay diyaaradaas saarnayd.
Raiisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo saaxibadii dadkii ku dhintay shilkan isagoo wacad ku maray in sababta diyaaradan u dhacday marka ugu horeeya oo la ogaado inuu la wadaagi doono dadweynaha.
"Waxaa jira dhowr kooxaad oo ka shaqaynaya shilkan wixii kasoo baxana dadweyanaha waan la qaybsanaynaa. Dhamaan dadkii Ethiopianka ahaa iyo muwaadiniinta dalalka kale ee shilka ku nafwaayay, waxaan leenahay Allah u naxariisto. Dawlada federalka Ethiopia dhanaan qoysaskii iyo saaxibadii dadka dhintay tacsi ayay u diraysaa."
Ayuu yiri RW Ahmed Abiy.
Sabduuqa madow ee macluumaadka diyaarada duuba ayaa laga helay meeshii ay diyaaradu ku dhacday iyo sidoo kale qalab duuba hadalada baylootka iyo inta ku jirat meesha diyaarada laga hogaamiyo.