Iran has warned the United States abandoning the nuclear deal

Iran has warned the United States abandoning the nuclear deal would be a historic mistake and there are plans to respond to any move to drop the agreement.

President Hassan Rouhani

Iran's President Hassan Rouhani has warned the US will regret any decision to exit the nuclear deal. Source: AAP

Madaxweynaha Iiran Xasan Rooxaani, ayaa Maraykanka ooga digay ka bixitaanka heshiiskii nukliyeeerka ee Maraykanka, Iiran iyo dalala Yuruba ay qaybta ka ahaayeen, isagoo sheegay in hadii Maraykanku ay talaabadaas qaadaan in ay ka shalayni doonaan.

  Rooxaani oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay, in Maraykanku ayna waxyeelo u gaysan Karin shacabka Iiraan, sababa la xidhiidha khibrada Iiraan ay u leedahay dagaalada mudada dheera qaata.

  Hadalkan Rooxaani ayaa yimid xili uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, uu ku baaqay in heshiiska Nukliyeerka ee ay Iraan qaybta ka tahay, in uu Maraykanku ka bixi doono, hadii ayna dalalka reer Europe ee qaybta ka ah heshiiska ku guulaysanin dib u sixidiisa, isagoo Trump uu ku tilmaamay  heshiiskani in uu yahay kii abid oogu xumaa ee Maraykanku uu galo.

  Dhankiisa Rooxaani, ayaa sheegay in heshiiskan ay taageersan yihiin dhamaan dhinacyada ku jira marka laga reebo Maraykanka, isagoo sidoo kalena sheegay, in heshiiskani uu taageera ka haysto Qaramada Midoobay.

  Dhinacyada Europe ee qaybta ka ah heshiiskan ayaa dhankooda muujiyay in ay rabaan sii jirida heshiiska, balse mar ay isku dayeen in ay Iiran kala hadlaan wax ka badalka heshiiska – ahana sida Maraykanku uu rabo – ayaa Iiraan ay si adag oogu gacan saydhay , iyadoo ku adkaysatay in ayna aqbalaynin faragalinta heshiiskaas.

  Dhankiisa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa u qabtay 12 May,  in hadii ayna dalalka Europe heshiiskaas Iiraan lala galay ay wax ka badali waayaan, in maraykanku ay ka baxayaan gabi ahaantiisaba.


Share
2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand