Maxkamada caalamigaa ee cadaalada ayaa sheegtay in Iran ay dacwo kusoo oogayso Maraykanka kadib markii Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran.
Dacwadan ayaa lagu sheegay in go'aankii Maraykanku bishii May uu cunaqbataynta ku saaray Iran wuuna uga baxay heshiiskii in taasi jabinayso xeerkii 1955 oo ka qeexaya heshiiyada dalalka dhexmara.
Sarkaal u hadlay wasaarada arimaha dibada Maraykanka ayaa sheegay in dacwadan aysan wax sharci ah ku dhisnayn Maraykankuna uu maxkamada kaga doodidoono.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaga baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iran uu la saxiixay madaxweynihii isaga ka horeeyay Barack Obama iyo quwadaha kale ee aduunka 2015 wuxuuna sidoo kale amray cunaqbatayno adag oo la saaro Iran.
Heshiiskaas nukliyeerka oo Trump uu u arkay mid qalad ah ayaa iran lagaga doonayay inay joojiso barnaamujkeeda nukliyeerka ayna u ogolaato QM inay baarto isla markaana waxaa laga qaaday cunaqbatayntii saarnayd.
Maxkamada caalamiga ee cadaalada ayaa fadhigeedu yahay Hague waana maxkamada QM ee xalisa khilaafyada caalamiga ah.