Musharaxa xisbiga talada haya ayaa qirtay in looga adkaaday doorashada duqa magaalada Istanbul oo lagu celiyay.
RW hore ee Turkiga Binali Yildirim ayaa u hambalyeeyay musharaxa mucaaradka Ekrem Imamoglu oo ku guulaystay doorashada inkastoo wali tirinta codadku ay wali socoto.
Natiijo aan wali si rasmi loo shaacin ayaa muujinaysa in Mr Imamoglu uu aqlabiyad cad ku guulaystay taasoo macneheedy yahay in magaaladan ugu wayn Turkey aysan ka talinayn xisbiga talada haya ee madaxweyne President Recep Tayyip Erdogan.
Mr Imamoglu ayaa si dirqi ah ku guulaystay doorashadii hore ee bishii Maarso laakiin xisbiga Erdogan ee AK Party ayaa ka dacwooday codaynta iyagoo ku doodayay in wax isdabamarin ay dhacday.
Duqa cusub ayaa sheegay inuu isku si ula dhaqmaidoono dhamaan shacabka degan Istanbul.
"Ma aha guul. waa taariiq cusub oo u bilowday. waxaan kaloo leeyahay laga bilaabo hadda, duqa magaalo ahaan isku si ayaa ula dhaqmidoonaa dhamaan 16 milyan oo degan Istanbul.'"