Jawari's impeachment will be voted on 31 of March

Jawari's impeachment will be voted on 31 of March

Somali Speaker Jawari

Source: BBC Somali

Codaynta Mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaare oo muda loo qabta.

Gudoomiye  ku xigeenka  koobaad ee aqalka hoose ee baarlamaanka  Soomaaliya, Cabdiwali Sheikh Ibrahim Mudey, ayaa ku dhawaaqay in maalinta Sabtida ee nagu soo aadan ee bisha March ay 31 tahay  in mooshinka  Jawaari  laga keenay  cod  loo qaadi doono.

Ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Cabdiwali Mudey, ayaa  fariima uu u kala diray xubnaha baarlamaanka ee wadanka dibada ooga maqan, ku wargaliyay in ay Muqdisha yimaadaan ugu danbayn 29 march, si ay ooga qayb qaataan geedi socodka hawsha.

Maxamed Cusman Jawaari, ayaa isagu sheegay in uu ku yimid cod, kaliyana uu ku baxayo cod, isagoo muujiyay isku kalsoonaan dhnkiisa ah.

Jawaari ayaa waxa uu sheegay in arintan mooshinka  uu ka danbeeyo Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Ali Kheyre, balse khayre dhankiisa  uusan wax jawaaba ka bixinin arintaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, ayaan isagu hawshan marnaba ka hadal, iyadoo shacabku aamuskiisaas siyaaba kala duwan ay u fasirteen.

Natiijada mooshinkan ayaan la odorasi karin, balse dadka siyaasada Soomaaliya  indhaindheeya ayaa waxa ay odorasayaan in laba kooraba  ay noqon doonto dhacda weyn  oo aan ku ekaani doonin  Jawaari  bixidiisa iyo joogidiisa, iyadoo ay suura gal tahay in ay mooshina  kale si cusub u dhashaan, iyadoon la garan karin meesha ay ku dhamaanayso saamanta dareenkaas.

 

 


Share
2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Jawari's impeachment will be voted on 31 of March | SBS Somali