Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

John Howard rejects ABC Privatization

John Howard
Former prime minister John Howard. Source: AAP

Raiisul Wasaarihii hore John Howard ayaa diiday in warbaahinta ABC la iibiyo oo gacanta dadweynaha laga saaro. Hadalka RW hore ayaa imanay iaydoo dhowr asbuuc laga joogo markii xubnaha xisbiga Liberalka ay u codeeyeen in warbaahintan la iibiyo.

Mr Howard ayaa u sheegay xarunta cilmibaarista  Centre for Independent Studies, in ABC loo daayo inay ku jirto gacanta dadweynaha oo dawladu maalgaliso.

Xubnaha xisbiga Liberalka ayaa Haa ugu codeeyay mooshin ugu baaqaya dawlada inay iibiso warbaahinta ABC marka laga reebo qaybeheeda magaalooyinka yaryar iyo dhulalka baadiyaha ah. Mooshinkaas ayaa loogu codeeyay shirka golaha federalka ee xisbiga oo dhacay bishii June.

Codkan ayaa Raiisul wasaare Malcolm Turnbull ku qasbay inuu balanqaado in warbaahintan dadweynaha aan waligeed la iibindoonin.


1 min read

Published

By Hassan Jama



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now