Latest news from Canberra.

LIBERAL PARTY LEADERSHIP SPILL

Finance Minister Mathias Cormann, Communications Minister Mitch Fifield and Jobs Minister Michaelia Cash Source: AAP Image/Lukas Coch

Wali waxaa socda khilaafka xisbiga Liberalka oo isku haya cida hogaaminaysa xisbiga isla markaasna wadanka.

  • Saaka waxaa iska casilay golaha wasiirada sadex wasiir oo culays siyaasadeed ku leh xisbiga oo uu ka mid yahay wasiirka maaliyada Mathias Corman.
  • Waxaa cad in RW Malcolm Turnbull waqtigiisii soo dhamaaday.
  • Scott Morrison ayaa sheegay inuu u tartamayo hogaanka xisbiga.
  • Aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa howlihiisii la hakiyay maanta laakiin Senatka wali waa shaqaynayaa.
  • Xisbiga Laborka ayaa isku dayay inay Motion ka keenaan Peter Dutton oo ay rabeen in loo diro maxkamada sare iyadoo ay socdeen warar la xariira inay dhici karto inuusan xaq u lahayn inuu baarlamaanka kusii jiro maadaama uu wax ku leeyahay xarumo caruurta lagu hayo oo dawlada deeq ka qaadatay. Waxaa jira sharci dhigaya in xildhibaanada aysan yeelan karin shirkad dawlada lacag ka qaadata.
  • Ken Wyatt oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Liberalka kana soo jeeda dadka dalka loogu yimid ayaa sheegay inuu mustaqbalkiisa ka fiirsanayo haddii Peter Dutton loo doorto RW. Peter Dutton ayaa ka baaqaday kulan baarlamaanku yeeshay oo raaligalin uu ku siiyay RW hore Kevin Rudd dadkii iyagoo caruur ah laga qaaday waalidiintood ee loo bixiyay (Stolen Generation).
  • Wixii warar dheeraad ah kala soco SBS Somali  
 


Share
2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand