Ra’iisul Wasaaraha wadanka Malaysia Mahathir Mohamed, ayaa khamiistii shalay ahayd, dawlada maraykanka si adag ooga diiday digniino ay wasaarada arimaha dibada ee dalka Maraykanka ay soo saartay, looguna digayo muwaadiniinta maraykanka in ay u safraan wadanka Malaysia.
Wasaarada Arimaha Dibada ee Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay ooga digtay dadka Maraykanka ee qorshaynaya in ay Malaysia u safraan, in ay wajihi karaan halista ah in ay wajahaan af-duubka kooxa argagixisa ay ku sheegtay, oo beegsan kara goobaha dalxiiska loo tago ee dalka Malaysia.
Dhankeeda wasaarada arimaha dibada ee dalka Malaysia ayaa u yeedhay Safiirka Maraykanka u fadhiya wadanka Malaysia Kamala Shirin Lakhdhir, si ay wax ooga weydiiso ujeedooyinka maraykanku uu ka lahaa digniinaha kasoo baxay ee Malaysia kadhanka ah, iyadoo isla mar ahaantaana warqad qoraala la gaadhsiiyay oo Malaysia ay ooga soo horjeedo talaabadaas.
Mahaatiir oo arintaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in wadankiisu uu yahay mid amaana, albaabadiisuna ay u furanyihiin dalxiisayaasha caalamka, aynan jirina haba yaraatee wax keeni kara digniinahaas oo kale.