Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Malaysia Government intercepts Smugglers' planned trip to Australia

Malaysia Government intercepts Smugglers' planned trip to Australia

Australian Map
Source: SBS

Warar hoose  oo laga soo xigtay Bilayska Federaalka ee Australia, ayaa waxa ay  sheegayaan, in dowlada Malaysia ay fashilisay koox dadka tahriibisa oo qorshaynayay in ay dad u qaadaan Australia ama New Zealand.

Kooxdan ayaa todobaadkii oogu horeeyay ee bisha January 2019, waxa ay qorsheeyeen isku day ah in ay dad gaadhay 34 qof, soo tahriibiyaan, iyagoo dadkaas u balan qaaday – sida wararka lagu sheegay -  in ay laba wadan mid uun gaynayaan, Australia iyo New Zealand.

Dadkaas  oo 34 qof ahaa, ayaa waxaa ka mid ahaa 11 dumara , iyo 7 caruura,  iyadoon wali la qeexin jinsiyadaha ay kala ahaayeen.

Ra’iisulwasaare Scott Morrison, ayaa tilmaamay in Australia ay u baahantahay siyaasad xoogan oo ku aadan dhanka ilaalinta xuduuda, isagoo dhanka kalena soo cusboonaysiiyay weerarka ku aadan xisbiga Laborka, taasoo la xidhiidha dhanka aragtidooda ku aadan ilaalinta xuduuda Australia.

Dhankiisa hogaamiyaha mucaaradka Bill Shorten, ayaa dhankiisa ku eedeeyay isbahaysiga wadanka xukuma in ay ku boorinayaan kuwa dadka tahriibiya in ay isku daye kale sameeyaan.


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now