Ra’iisul Wasaarihii hore ee Australia Malcolm Turnbull, ayaa lagu soo waramayaa in uu kaga dhabaynayo go’aankiisii ahaa in uusan fadhiisanaynin safka danbe ee isbahaysiga wadanka xukuma, hadii uu jagadiisa waayo.
Wararka soo baxaya ayaa tibaaxaya in Malcolm Turnbull, uu todobaadkan dhexdiisa ku go’aansanyahay in uu iska casilo xubinimadiisa baarlamaanka, kadib markii ay hogaamintii wadanka iyo Xisbigiisaba lagaga guulaystay.
Malcolm ayaan isagu ku qanacsanayn in uu sida Tony Abbott oo kale , in uu safka gadaal kasoo galo, halkaasna uu mooshinada kasoo abaabulo.
Tony Abbott - oo isagu uu Malcolm Turnbull, ka qaaday Ra’iisulwasaaranimada kadib baratan uu kula galay hogaaminta wadanka - ayaa isagu u muuqday nin soo badh aarsaday, isagoo Abbott ahaan la rumaysanyahay in uu kaalin laxaad leh ka ciyaaray riditaankii Malcolm Turnbull.
Abbott ayaa la sheegayaa in gabadh walaashiisa ah uu u ololaynayo in ay hesho kalsoonida xisbiga ee dhanka ubaratanka kursiga lagu wado in uu baneeyo Malcolm Turnbull ee magaalada Sydney.
Dhinaca kalae, talaabadan uu Malcolm Turnbull, ooga tagayo baarlamaanka , ayaa culays weyn ooga dhigan Ra’iisulwasaaraha cusub Scott Morrison, iyo isbahaysigiisaba, iyadoo ay waayayaan halkii kursi ee aqlabiyada ahaa mudada doorashada ku celiska laga qabanayo, loona tooga hayni doono cidii kusoo bixi doonnta doorashada ku celiska ee Kursiga uu baneeynayo Ra’iisulwasaarihii hore Malcolm Turnbull.