Massive crowd in Soleiman's Funeral in Tehran.

In Tehran, funeral processions for Qassem Soleimani, who was assassinated last week in an air raid by the United States in Baghdad,

Mourners attending a funeral ceremony for Qassem Soleimani in Iran.

Mourners attending a funeral ceremony for Qassem Soleimani in Iran. Source: Mehr News Agency

 Cali Khameni, hogaamiyaha sare ee kacaanka  Iiraan ayaa horkacayay dad badan oo isugu soo baxay caasimada Tahraan, iyagoo sagootinaya maydka Qaasim Suleymani.

Qaasim Suleymani, ayaa la dilay Jamcadii 03/01/2020, isaga oo ay la jireen masuuliin kale, oo qaarkood ay halkaas ku geeriyoodeen, iyagoo la sheegay in laba baabuur ay kala wateen, kuna sii jeedeen Gagida Diyaaradaha ee Baqdaad.

Dilka Qaasim Suleymani, ayaa loo adeegsaday weeraro gantaal oo ciidamada Maraykanku ay la beegsadeen.

Dhacdadan ayaa xiisad ka abuurtay gobalka bariga dhexe, iyadoo wadanka Ciraaq oo falkani ka dhex dhacay uu aad ooga xumaaday, ayna sababtay in baarlamaanka Ciraaq ay maalintii Axada 05/01/20 soo saareen go’aan ay ciidamada Maraykanka wadanka ooga saarayaan.

Dhanka Maraykanka ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid caaqiba xun u keeni doona wadanka ciraaq, waa hadii ay doortaan in ay Maraykanka xidhiidhka u jaraan. Dhankiisa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa jawaab uu ka bixiyay hadalkaas ku sheegay in ciidamada Maraykanka ayna ka baxaynin Ciraaq tan iyo inta ay Ciraaq ka bixinayso kharashkii ku baxay saldhiga Maraykanka ee Ciraaq ku yaala.

Saraakiil sarsare oo Marayka oo iyaguna arintan ka hadlayna waxa ay sheegeen in Maraykanka ay culays ku tahay ka bixida Ciraaq, balse Ciraaq ay musiiba u tahay hadii ay Maraykanka wadankooda ka caydhiyaan.

 Dhinaca kalena Iiraan ayaa cadha adag iyo qaadan waa ka muujisay dilka maraykanku ay la beegsadeen Gen. Qasim Suleymani, waxaana aad indhaha loogu hayaa falceliska Iiraan ay ka samayni doonto dilka Qaasim, iyadoo la ogyahay in Ismacil Qaani, ninka lagu badalay Qaasim Sulayman, uu jeediyay hadala adadag oo uu ku sheegayo in loo aari doono Qaasim Sulayman.

Dhacdadan ayaan ku ekeeyn saamaynteeda siyaasadeed oo kaliya, iyadoo la sheegay in xitaa suuqyadii maalka iyo saliida ay saamayn weyn ku yeelatay, lagana cabsi qabo inay saamaynteedu cirka isku sii shareerto hadii xiisaduhu ay isa sii taraan.


Share
2 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand