Morrison is due to talk to the Fijian government about I-S member Neil Prakash's citizenship

Morrison is due to talk to the Fijian government about I-S member Neil Prakash's citizenship

A diplomatic row over IS terrorist Neil Prakash will be discussed when Scott Morrison visits Fiji.

A diplomatic row over IS terrorist Neil Prakash will be discussed when Scott Morrison visits Fiji. Source: AAP

Dawlada Australia ayay ahayd tii eedeymo loogu soo jeediyay talaabada ay bishii December-tii la dhaafay dabayaaqadeedii qaaday ee ahayd  in ay jinsiyada ka xayuubisay ninka la yidhaahdo Neil Prakash, oo ku dhashay magaalada Melbourne ee Australia, isagoo aabihii uu kasoo jeedo wadanka Fiji, iyadoo lagu eedeeyay in talaabadaas dawladu ay ku fududaatay.

Eedan ayaa waxa ay tahay in maadaama ay wadanka Fiji cadeeyeen in Neil Prakash uusan ka mid ahayn muwaadiniinta Fiji, sidaasna uu kaliya ku haysto hal jinsiyad oo ah Australia, in markaas ayna waafaqsanayn sharciga wadanka Australia u yaala in qof laga dhigo jinsiyad la’aan.

Dawlada ayaa dhankeed ku doodaysa in maadaama uu Neil Prakash aabihii kasoo jeedo Fifi, in sidaas uu laba jinsiyadle uu yahay, marka laga xayuubiyo jinsiyada wadanka Australia uu ahaanayo markaas nin haysta Fiji.

Dhankeeda dowlada Fiji ayaa waxa ay ka soo horjeedaa in lagu soo tuuro nin loo caal waayay, ee xubinka sare ka ah I-S, iyadoo horayna ay u cadeysay in Neil uusan ka mid ahayn dadka u diiwaan gashay ee muwaadiniinta Fiji ah, isgoo ninkani ay u taag la’a yihiin dalalkii ka awooda badnaa, haatana uu ku xidhan yahay wadanka Turkiga, oo ay turkigu ka fikirayeen in ay kusoo salimaan Australia.

 Iyadoo dowlada Australia aad loogu daleecaynayo arintaas, dalka Fiji-na ay diidanyihiin in Neil lagu soo riixo, ayaa ra’iisulwasaare   Scott Morrison, uu haatan booqasho uu ku tagay wadanka Fiji, isagoo halkaas mashaariic hormarineed oogu baaqay dalka Fiji.

Dhinacyada siyaasada odorasa ayaa filaya in ay suura gal tahay Scott Morrison in uu qalqaale u gali karo in ninkan maadaama ay Australia ka qaaday jinsiyadii, in ay Fiji dabciso diidada ay diidantahay ninkaas in uu ka mid yahay muwaadiniinteeda.

Arintaas ayaa hadii uu Scott Morrison ku guulaysto waxa ay ka ilaalinaysaa waji-gabax siyaasadeed, oo haatan daleecaynteedu ku socoto, iyadoo dabaylihii doorashooyinkana ay soo gaadheen wadanka Australia, dhaawac kasta oo siyaasadeedna uu taklifadiisa leeyahay.


Share
2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Morrison is due to talk to the Fijian government about I-S member Neil Prakash's citizenship | SBS Somali