Ra'iisul wasaarihii hore ee Liberalka, Tony Abbott, ayaa oogu yeedhay Australia, in la dhimo heerka dadka wadanka la keenayo ama usoo hijroonaya.
Abbott ayaa ujeedada ku macneeyay dhanka dhimida dadka wadanka imanaya ama usoo hijroonaya, in kuwa hada jooga ay si wanaagsan wadanka oogu milmaan marka hore, iyo in ayna imaanin cadaadis dhanka mushaarka iyo qiimaha guryaha.
Tony Abbott, ayaa ku talinaya in laga dhimo baaxada dadka wadanka la keeno, oo hada gaadhaya sanadkii 190,000 , isagoo ku talinaya in laga dhigo 110,000, isagoo sidoo kale kula taliyay in Ra'iisulwasaare Malcolm Turnbull uu ololaha doorashooyinka soo socda uu arinkan ku galo.
Abbott, ayaa lagu wadaa in galabtadan Talaadada ah 20/02/2018 in uu khudbad ka jeediyo Machadka Sydney, isagoo kusoo bandhigi doono faahfaahinta qorshihiisa ee dhanka ku saabsan in dhimida baaxada dadka wadanka la keeno, in ay keenayso kobac mushaar, iyo in qiimaha guryuhu ay noqdaan kuwa jaban.
Tony Abbott, ayaa isagu hada ka tirsan safka danbe ee xisbiga Liberaalka, kadib markii Turnbull uu hogaanka xisbiga kaga guulaystay 2015, ra'iisulwasaaranimadiina uu sidaas ku waayay, balse dhankiisa Mr Abbott, ayaan wali ayna ka dhamaanin damaca ah in ay mar uun ay dib usoo mari doonto waqti uu fursad u helo u tartanka hogaanka Xisbiga Liberaalka.
Dhinaca kale Wasiiraka Ganacsiga, ahna kusii simaha Ra'iisulwasaaraha, Mathias Cormann, ayaa sheegay in ayna jirin wax baahi ah oo ku saabsan in la dhimo baaxada dadka Australia la keenayo, isagoo sheegay in dawlada ayna qorsheheeda ku jiran wax dhimisa.
Basle wasiirka ayaa cadeeyay in badalka dhimista, dawladu ay doonayso in lasoo xusho dadka imanaya wadanka, sida dadka xirfada leh ee ka qayb qaadani kara horumarka Australia.