Muslim Leaders refuse to meet with PM Morrison

Combo image: Grand Mufti Dr Ibrahim Abu Mohamed and Prime Minister Scott Morrison speaks during a press conference in Sydney on Saturday

Combo image: Grand Mufti Dr Ibrahim Abu Mohamed and Prime Minister Scott Morrison speaks during a press conference in Sydney on Saturday Source: AAP

Madaxda ururada Muslimiinta Australia ayaa diiday inay la kulmaan raiisul wasaare Scott Morrison.

Warsaxaafadeed ay urur Muslimiintu leeyihiin  ayaa lagu sheegay in sababta ay ula kulmiwaayeen Mr Morrison ay tahay inay aad uga walaacsan yihiin kana xumaadeen hadalo kasoo yeeray wasiiro sare oo dawlada ka tirsan iyo RW dhawaan oo loo turjumi karo in la leeyahay dhamaan bulshada Muslimiinta ah ayaa masuul ka ahaa fal danabiyeedka ay galaan shaqsiyaad.

Qoraalka ayaa lagu yiri "Hadalada noocaas oo kale ah waxba kama qabanayaan arimaha jira ee waxay fogaynayaan oo kaliya qaybo balaaran oo ka tirsan bulshada Muslimiinta ah"

Balse RW Scott Morrison ayaa isagoo si caro leh uga jawaabaya baaqashada kulanka isaga iyo madaxda Mulsimiinta wuxuu bartiisa Twitherka ku qoray in shirku la'aatood dhicidoono isagoo ku eedeeyay hogaanka Mulsimiinta inay ku guuldaraysteen inay bulshada wax u qabtaan.
"Kulanku wuu dhacayaa iyadoo ay ka qayb galayaan kuwo doonaya in arinta si fiican loo eego haddii ay baaqdan kuwo doonaya inay kasii jeestaan waxa jira" ayuu ku yiri RW Morrison bartiisa Twitherka.
Culumada ayaa ka codsatay RW inuu dib u dhigo kulanka ilaa inta ajendayaal iyo ujeedooyin labada dhinac isku waafaqsan yihiin laga helayo ayaa lagu yiri qoraalka.

Share
1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand