Nin la dashay ninkii dilay 59 qof inka badan 500 qofna ku dhaawacay Maraykanka ayaa sheegay in qoyskoodu aysan garan karin waxa ku sababay inuu walaalkood xabad ku furo dadka Las Vegas.
Booliska ayaa raadinay inay ogaadaan sababta ku kaliftay in ninkan uu dabaq kasoo toogto dad ku sugnaa meel ay ka socotay musig kaasoo ah toogashadii dadkii ugu badnaa ay ku dhintaan taariiqda maraykanka.
Ninkan dablaysa ah ayaa lagu sheegay Stephen Paddoc oo 64 jir ah oo haweenay Australian ah kula noolaa xaafad dadka howlgabka ay degaan oo 130 Km u jirta magaalada Las Vegas.
Paddock ayaa isagu isdilay ka hor intaan boolisku galin qofka uu ka deganaa dabaqa 32 aad ee hoteelka Madalay Bay iyo goobta lagu qamaaro.
Haweenta uu la saaxiibka ahaa Marilou Danley, oo hore u deganaan jirtay Queensland Gold Coast, ayaa dalka dibada uga maqnayd wax lug ahna kuma lahayn toogashada.
Joe Lombardo oo ah madaxa booliska Las Vegas sheriff ayaa sheegay in baaraysshu aysan wali ogayn sababta uu ninkan falkan ugu kacay wuxuuna intaa ku daray inaan cidkale looga shakisanayn inay ka qayb ahaayeen dhacdada wuxuuna ka gaabsaday inuu faahfaahin kale ka bixiyo ninkan.
Laakiin taliye Lombardo ayaa sheegay in 16 buntuqyo ah laga helay qolka uu deganaa ninkan dablayda ah qaat ka mid ah qoryahaasna loo badalay inay noqdaan ku darandooriga u dhaca.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay gurigiisa ka heleen 18 qoryo dheeraad ah oo walxaha qarxa iyo rasaas aad u farabadan.
Toogashadan ayaa ah tii ugu xumayd taariiqda Maraykanka wuxuuna boolisku sheegay in dhimashadu sii kordhi karto.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay toogashadan fal shaydaan wuxuuna amray in calamka hoos loo dhigo.
Mr Trump ayaan ka hadal sheegashada IS ay sheegatay inay ka masuul ahayd weerarka wuxuuna sidoo kale ka gaabsaday inuu dhexgalo dood ku saabsan xakamaynta hubka.
Gobolka Nevada oo ah halka toogashadan ay ka dhacday ayaa leh sharuuc aad u dabacsan ee haysashada hubka.
Musharaxadii hore ee Madaxweyne Hillary Clinton ayaa u siticmaashay Twitherka inay ku booriso shacabka inay kacaan ka horyimaadaan ururka u dooda in dadka xaq u leeyihiin haysashada hubka ee la yiraahdo National Rifle Association oo ah urur awood badan ku leh siyaasada maraykanka.