Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

North Korea: Trump Has Declared War

North Korea's foreign minister said on Monday President Donald Trump had declared war on North Korea and that Pyongyang reserved the right to take countermeasures, including shooting down U.S. bombers even if they are not in its air space

North Korea's nuclear crisis deepens.
North Korea's nuclear crisis deepens. Source: AAP

- Woqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu dagaal ku iclaamiyay dalkooda ayna xaq u leeyihiin inay qaadaan talaabooyin ay uga hortagayaan oo ay ka mid tahay inay soo ridaan diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka haddii xataa aysan ku jirin hawadooda.

Afhayeenada aqalka cad  Sarah Saunders ayaa isniintii dafirtay in Maraykanku dagaal iclaamiyay iyadoo hadalkaas ku tilmaantay mid doqonimo ah.

Wasiirka arimaha dibada woqooyiga Kuuriya Ri ayaa wariyayaasha u sheegay intii uu socday shirkii golaha guud ee QM "caalamku waa inuu xasuusnaadaa inay Maraykanka tahay cida dagaal ka dhan dalkayaga marka hore iclaamisay."

Sabtdiina diyaarada dagaalka ciidanka badda Marayakanka nooca loo yaqaan  B-1B Lancer oo ay galbinayaan diyaarado kale oo dagaal ayaa dhuulatus ahaan ku maray hawada caalamiga ee bariga ka ah woqooyiga Kuuriya.

Cabsi laga qabo in dagaal si lama filaan ah u qarxo

Pyongyang ayaa ku eedaysay Maraykanka oo ciidan gaaraya 28,500 uu ka joogo Koofurta Kuuriya inay qorshaynayso inay kusoo duulaan dalkooda ayna sidoo kale si joogto ugu hanjabayaan inay burburinayaan.

Hase yeeshee hadalada kulkulul ee labada dhinac isdhaafsanayaan ayaa sii kordhiyay xiisada iyo cabsida laga qabo in dhinac uu si qalad ah ugu kaco fal cawaaqib xun reebi kara.

 Pentagon ayaa sheegtay in diyaarada dagaalka ee dulmaray meelo ku dhaw Woqooyiga Kuuriya inay muujinayso agabka kala duwan ee Milatari ee diyaarka u ah Donald Trump laakiin saraakiil Maraykan ah ayaa hoosta ka xariiqay in kasokow hadalada kulkul inay door bidayaan in wadahadal lagu xaliya khilaafka.

Baaqyo lagu dajinayo xiisada

Xogahayah guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay in xalka kaliya uu yahay mid siyaasadeed.

China, oo daris la ah woqooyiga Kuuriya saaxiib dhowna la ah ayaa taageertay cunaqabatayn la saaray Woqooyiga Kuuriya waxayna ugu baaqday labada dhinac ee khilaafkan ka dhexeeya inay muujiyaan xamayn ee aysan gaas kusii darin dabka.

Madaxweynaha China  Xi Jinping ayaa ku celceliyay in booska Chinuhu yahay in arinta Woqooyiga Kuuriya si nabad ah lagu xaliyo.

Raiisul wasaaraha Japan  Shinzo Abe, oo ay saaxiib dhow yihiin Maraykanka ayaa sheegay inuu kala dirayo aqalka hoose ee baaralamaanka lana qabanayo doorasho degdeg ah si uu shacabka uga raadsado mandate cusub oo uu go'aan adag uga qaato Woqooyiga Kuuriya.


2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now