Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, ayaa khudbadiisii munaasabada sanadka cusub ee 2018, kaga hadlay horumarka dalkiisu uu ka sameeyay dhanka Nukliyeerka.
Kim ayaa dhanbaala uu Maraykanka u diray waxa uu ku sheegay, in Maraynkanku ayna awood u laheyn in ay soo weeraraan wadankiisa, isaga oo sheegay in dhamaan wadanka Maraykanku uu yahay goob ay la beegsan karaan hubkooda dilaaga ah, isaga oo sheegay in fargada laga rido hubka Nukleerku in ay xafiiskiisa taalo.
Munaasabadaas hadalka uu ka jeedinayay ayaa sidoo kale waxa uu codsaday, in wadankiisa loo aqoonsado wadan kamida wadamada haysta awooda Nukliyeerka.
Bishii November 29 keedii, ayay aheyd markii Kuuriyada Waqooyi ay sheegatay in ay hanatay awooda Nukliyeerka, kadib markii ay tijaabisay gantaalada dilaaga ah, iyada oo sheegtay in uu gaadhi karo goob kasta oo cariga Maraykanka ah.
Xubnaha Golaha Amaanka ayaa iyagu dhankooda talaabadaasi kaga jawaabay, xayiraad dheeraada oo Kuriyada Waqooyi, ay kaga soo rogeen dhanka soo dhoofsiga wax kasta oo loo adeegsan karo hormarinta hubka dilaaga ah.