Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

North Korean leader Kim says "The nuclear button is always on my table"

North Korean leader Kim, says "The nuclear button is always on my table"

North Korean leader Kim Jong-Un (pictured) said he was always within reach of the nuclear button in a defiant New Year message.
North Korean leader Kim Jong-Un (pictured) said he was always within reach of the nuclear button in a defiant New Year message. Source: AAP

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, ayaa khudbadiisii munaasabada sanadka cusub ee 2018, kaga hadlay horumarka dalkiisu uu ka sameeyay dhanka Nukliyeerka.

Kim ayaa dhanbaala uu Maraykanka u diray waxa uu ku sheegay, in Maraynkanku ayna awood u laheyn in ay soo weeraraan wadankiisa, isaga oo sheegay in dhamaan wadanka Maraykanku uu yahay goob ay la beegsan karaan hubkooda  dilaaga ah, isaga oo sheegay in fargada laga rido hubka Nukleerku in ay xafiiskiisa taalo.

Munaasabadaas hadalka uu ka jeedinayay ayaa sidoo kale waxa uu codsaday, in wadankiisa loo aqoonsado wadan kamida wadamada haysta awooda Nukliyeerka.

Bishii November 29 keedii, ayay aheyd markii Kuuriyada Waqooyi ay sheegatay in ay hanatay awooda Nukliyeerka, kadib markii ay tijaabisay gantaalada dilaaga ah, iyada oo sheegtay in uu gaadhi karo goob kasta oo cariga Maraykanka ah.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa iyagu dhankooda talaabadaasi kaga jawaabay, xayiraad dheeraada oo Kuriyada Waqooyi, ay kaga soo rogeen dhanka soo dhoofsiga wax kasta oo loo adeegsan karo hormarinta hubka dilaaga ah.  


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now