Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Obama campaigns for democratic candidates in mid-term election

Former President Barack Obama speaks as he campaigns in support of California congressional candidates, Saturday, Sept. 8, 2018, in Anaheim, Calif. (AP Photo/Ringo H.W. Chiu)
Former President Barack Obama speaks during his midterm campaign. Source: AAP

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in doorashooyinka labadii sanoba mar la qabto ee loo yaqaan mid-term ay fursad u tahay in shacabka Maraykanku ay siyaasada dalka dibugusoo celiyaan caqligii iyo fayooobidii.

Mr Obama ayaa taageerayay musharixiinta xisbiga Dimoqraadiga ee uu taagan doorashadan November dhacaysa isago qudbo dheer ka jeediyay California.

Madaxweynihii hore ayaan marna soo hadal qaadin magaca ninka xilka kala wareegay Donald Trump intuu qudbaynayay.,

Mr Obama ayaa sheegay in taariiqda Maraykanku waqti muhiim ah marayso wuxuuna uga digay shacabka Maraykanku inay yiraahdaan waxwalba waa fiicaan yihiin oo ay isdhigtaan.

Xisbiga dimoqraadiga ee madaxweyne Obama ayaa doonaya inay la wareegaan aqlabiyada labada aqal ee Congresska.

Labada aqal ee wakiilada iyo Senatka ayaa waxaa hadda maamula oo aqlabiyadiisa haya xisbiga Mr Trump ee jamhuuriga.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now