Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

One nation leader Pauline Hanson denies holding dual citizenship

One Nation leader Pauline Hanson says she's not eligible for British citizenship
One Nation leader Pauline Hanson says she's not eligible for British citizenship Source: AAP

 Hogaamiyaha xisbiga one Nation Pauline Hanson ayaa dafirtay inay haysato labo dhalasho iyadoo intaa ku dartay inaysan arintaas ka hubin wasaarada arimaha gudaha Britain.

Iyadoo ka jawaabaysa hadalo laysla dhexmarayo oo sheegay inay haysato dhalasho Britain ah, Senatorad Hanson ayaa sheegtay in labadeeda waalidba ay Australia ku dhasheen inkastoo waalidka hooyadeed ay Brithis ahaayeen.

Senator Hanson ayaa la sheegay inay joornaalka Womens Day u sheegtay Febaraayo 2010 inay Britain u guurayso halkaas oo ay dhalasho labaad ku leedahay.

Bishii lasoo dhaafay ayay maxkamada sare ee Australia xukuntay in 5 xildhibaano iyo Senataro aysan xaq u lahayn inay baarlamaanka kusii jiraan waxaana ka mid ahaa RW ku xigeenkii Barnaby Joyce.

Kii u danbeeyay ee fadeexadan labada dhalasho qabsatay ayaa wxuu ahaa John Alexander oo ah xildhibaan Liberal ah oo shaacoyay inay dhici karto inuu labo dhalasho leeyahay.

Senator Hanson ayaa sheegtay inay ku taageertay RW malcolm Turnbull baaqiisii ahaa in laga doonayo xildhibaanada inay dhamaantood cadeeyaan inay labo dhalasho haystaan iyo in kale.

Hanson ayaa intaa ku dartay inay iyadu diyaar u tahay inay soo bandhigto waraaqeheeda cadaynta u ah inaysan lahayn labo dhalasho.

 


2 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now