SKIP TO MAIN CONTENT

Opera house advertising debate

A file image of the Sydney Opera House illuminated gold .
The son of an architect of the Sydney Opera House says any advertising on it would be a desecration. (AAP) Source: AAP

1 min read

Published

By Hassan Jama



Skip to article content

Premiarada gobolka NSW  Gladys Berejiklian ayaa dafirtay inay isu dhiibtay warbaahiye Alan Jones markay fargalisay oo ogolaatay on xayaysiinta tartanka fardaha lagu xardho darbiyada Opera House Sydney.

Alan Jones oo idaacad ku taal Sydney ka hadla awood balaarana leh ahaa la dhaliilay kadib markii uu canbaarayn kula dul dhacay madaxa Opera House Sydney  Louise Herron oo diiday in xayasiintaas lagu xardho dhismahan caanka ah.

Laakiin  Ms Berejiklian ayaa sheegay in go'aankeeda uusan badalin Alan Jones.

Waxayna intaa ku dartay in Opera House uu iyada macne wayn ugu fadhiyo maadaama aabeheedu uu kasoo shaqeeyay oo alxanle uu ka ahaa.

Ms Berejiklian ayaa difaacday go'aankeeda iyadoo tiri:

[["Dawladu wadahadal ayay arinta waqti dheer uga jirtay, nooca xaysiin ee hadda lasoo bandhigay waa mid aad uga yar tii markii hore nalaga codsaday, waana soo dhawaynayaa aragtiyada kala duwan ee laga dhiibtay arintan laakiin waxaan ku kalsoonahay in Sydney u fiican tahay oo sax tahay in xayaysiintan lagu dheeho Opera House."))


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now