Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Pellegrini re-opened after Friday Bourke Street attack

Mourners pay their respects to Sisto Malaspina, co-owner of Pellegrini's Espresso Bar, Bourke Street, Melbourne, Sunday, November 11, 2018. Sisto Malaspina was the victim of Friday's terror incident. (AAP Image/James Ross) NO ARCHIVING
Mourners pay their respects to Sisto Malaspina Source: AAP

 Maqaayad ku taal bartamaha Melbourne oo uu wax ku lahaa nin lagu dilay weerarkii Bourke Street ayaa dib loo furay iyadoo si qashuuc leh loo xusay ninkii dhintay.

Sisto Malaspina ayaa waxaa dilay labo qof oo kalana dhaawacay Hassan Khalif Shire oo 30 jir ahaa markii gaari uu kusoo galay magaalada uu dab qabadsiiyay uuna weerar mindi ah bilaabay.

Ninkan maqaayada lahaa oo 74 jir ahaa ayaa markiiba goobta ku dhintay halka Hassan oo boolisku toogtay uu mardanbe ku dhintay cisbitaalka.

Mr Malaspina ayaa qayb ku lahaa had maqaayada Pellegrini ilaa 1974, isaga iyo maqaayaduna waxay noqdeen kuwo caan ka ah magaalada.

 A-B-C ayaa soo warisay in mulkiilaha la lahaa maqaayada Nino Pangrazio xusay Mr Malaspina ka hor inta uusan albaabka u furin dadweynaha.

[[ "Maanta waxaan siinaynaa macaamiisha iyo dadka kale fursad ay ku xasuustaan oo dib u milicsadaan goob uu jeclaa Sisto, goob ay macaamiishadayadu jeclaayeen.}}

Aas qaran ayaa loo qaban doonaa Mr Malaspina asbuuca soosocda.


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now