Raiisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in dalal kale aysan u yeerinayn siyaasada arimaha dibada Australia.. Hadalka RW ayaa imanay kadib markii Raiisul Wasaarihii uu xilka kala wareegay Malcolm Turnbull uu ka digay in safaarada Australia ee Isreal laga wareejiyo Tel Aviv.
Mr Turnbull ayaa kula kulmay madaxweynaha Indonesia Joko Widodo Bali isagoo qayb ka ah waftiga Australia uga qaybgalaya shir caalamiya oo halkaas ka socda.
Shirka kadib ayuu Mr Turnbull sheegay in madaxweynaha Indonesia uu walaac xoog leh ka muujiyay suurtogalnimada in safaarada Australia laga raro Tel Aviv oo la geeyo Jerusalem.
[[ "Madaxweyne Widodo wuxuu ii muujiyay walaac la mid ah walaac uu u muujiyay RW Scott Morrison oo ay Indonesia ka qabto suurogalnimada in safaarada Australia laga raro Tel Aviv oo la geeyo Jerusalem, shakina kuma jiro in haddii taasi dhacdo falcelin aan fiicnayn inay ka imanayso Indonesia.
Laakiin Scott Morrison ayaa sheegay in dawladiisu go'aankeeda ku salaynayso danta Australia ee aysan ku salaynayn waxa dalal kale u sheegaan.
[[ "Marwalba waxaan ka shaqaynayaa danaha qaran ee Australia. Aragtidaydu isma badalin.. waxaan raacnaa nidaam hagaagsan ka hor intaynaan go'aan gaarin.. waxaan ku celinayaa in arintan aan go'aan laga qaadan, laakiin waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo in Australia go'aamiso siyaasada arimaha dibada ee Australia."))
Dhanka kalana cilmi baare ka tirsan ururka xaquuqul binaadanka ee Human Rights Watch ayaa sheegay in danaha Australia ay ku leedahay Indonesia lagu mudaharaadi doono haddii ay Australia go'aansato inay safaarada Isreal u rarto Jerusalem.
Indonesia ayaa aad u taageerta Falastiiniyiinta khilaafka kala dhexeeya Isreal, xiriir diblomaasiyadeedna lama laha dawlada Isreal.
Andreas Harsono oo ah baare Indonesian ah kana tirsan Human Rights Watch ayaa SBS u sheegay in dawlada Indonesia cadaadis wayn lagu saaridoono inay ka jawaabto haddii Australia ay go'aansato inay safaarada rarto.
Australia ayaa la filayaa inay heshiis ganacsi xor ah la saxiixato Indonesia asbuucyada soosocda.