Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Puntland Members of Parliament listening today presidential candidates speeches.

Puntland Members of Parliament listening today presidential candidates speeches.

Puntland Presidential Election
Source: Ficebook

Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta (Isniin 07/01/2019) dhageysanaya khudbadaha 21 musharax ee xilka madaxweynaha Puntland u taagan iyo 11 musharax ee xilka madaxweyne ku xigeenka  u taagan, taasoo doorashadoodu ay dhacayso maalinta bari ah ee 08/01/2019.

Musharaxiinta oo intan tiradoodu ka badnayd, ayaa maalintii shalay (06/01/2019),- kadib markay tira musharaxiina ay ku dhawaaqeen tanaasulkooda – ayaa gudida doorashooyinku waxa ay ku dhawaaqday tirade rasmiga ah ee murashaxiinta madaxweynaha iyo kuxigeenada, oo noqday 21 musharax madaxweyne iyo 11 msharax madaxweyne kuxeen.

Maalinta bari ah ee Talaadada (08/01/2019) ayaa loo balansanyahay qabashada doorashada madaxweynaha Puntland, iyadoo lagu soo waramayo in ayna jirin murashax la odorasayo in uu si gaara u cadcadyahay, balse kaliya ay jiraan tira aan yarayn oo la filayo in ay dhici karto in ay isku arkaan wareega labaad ee cod bixinta.

 


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now