Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

RW Malcolm Turnbull oo ka badbaaday in hogaanka laga qaado

Peter Dutton (kulia) na Malcolm Turnbull (kushoto) kabla ya Dutton kuwania wadhifa wa waziri mkuu
Peter Dutton (kulia) na Malcolm Turnbull (kushoto) kabla ya Dutton kuwania wadhifa wa waziri mkuu dhidi ya Waziri Mkuu Malcolm Turnbull Source: AAP

Malcolm Turnbull ayaa ka badbaaday doorasho xisbiga gudihiisa loo qabtay hogaanka xisbiga talada haye ee Liberalka.

Sagaalkii subaxnimo ayay xubnaha ka tirsan xisbigu galeen kulan lagu qabtay baarlamaanka halkaa ayuu RW miiska saaray jagada hogaanka iyo ku xigeenka iyadoo ay jiraan warar laysla dhexmarayay oo sheegayay in Peter Dutton xilka ku qabsan doono RW Melcolm Turnbull.

Markii la baneeyay labada jago ee hogaanka iyo ku xigeenka ayaa lagu baaqay in cidii rabta ay gacanta taagato waxaana markiiba gacanta u taagtay hogaanka xisbiga Peter Dutton oo wasiirka arimaha gudaha iyo dabcan Malcolm Turnbull.

Jagada ku xigeenka ayaa waxaa gacanta u taagtay oo kaliya hal qof  haddana ah ku xigeenada Julie Bishop wasiirada arimaha dibada.

Nidaamka Australia qofka xisbiga taladiisa haya hogaamiya ayaa noqda RW dalka.

Cod ayaa loo qaaday RW Malcolm Turnbull iyo Peter Dutton waxayna kala heleen 48 cod oo uu helay Mr Turnbull halka Peter Dutton uu helay 35 cod saasna RW Malcolm Turnbull ku guulaystay hogaanka xisbiga.

Markaas ka dib Peter Dutton ayaa iska casilay xilkii wasiirnimada wuxuuna ka mid noqondoonaa xildhibaanada fariista kuraasta danbe ee Backbenchers loo yaqaan.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegay inaan cayaartu intaan ku dhamaanayn ee Peter Dutton uu ka shaqayndoona maalamaha soosocda inuu codadka uu u baahan yahay helo markaasna uu markale xilka kula tartamidoono RW.

Hadal haynta khilaafka xisbiga Liberalka ayaa baryahanba socday iyadoo dawladu doonaysay in dhowr siyaasadood ka ansixiso baarlamaanka balse qaarkood ay kasoo horjeedeen xubno ka tirsan xisbigiisa.

Maalamaha iyo asbuucyada soosocda ayaa la arkidoonaa meesha ay caga dhigato.

 


2 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now