Sadio Mane named the 2019 African Player of the Year

Sadio Mane has been named the 2019 African Player of the Year

Sadio Mane from Senegal (R) receives the Player of the Year award.

Source: AAP

Sadio Mane Ciyaartooyga u dhashay wadanka Senegal una ciyaara kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay bilada Laacibka Afrika oogu wanaagsan sanadka 2019.

Mane ayaa ka guulaystay labadii nin ee abaal marintan kula baratamaysay, Maxamed Salaax oo ay isku koox u ciyaaraan una dhashay wadanka Masar, iyo Riyad Mahrez oo u dhashay wadanka Algeria, una ciyaara Manchester City.

Mohamed Salaax ayaa koobkan ku guulaystay 2017 iyo 2018, halka uu Riyad Mahrez uu ku guulaystay 2016.

Sadio Mane ayaa isagu markiisii oogu horaysay ku guulaysanaya bilada Ciyaartooyga Afrika ee sanadaka 2019.

Ciyaartooygan ayaa ah shakhsigii labaad ee Senegal u dhasha oo biladan Ciyaartooyga Sanadka ee Afrika ku guulaysta, isagoo uu ka horeeyay El-Hadji Diof, oo ku guulaystay laba koor oo isku xigta 2001 iyo 2002.

Sadio Mane ayaa abaal marinta biladaas lagu gudoonsiiyay xaflad ay  Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ku qabteen magaalada Qardaqa ee dalka Masar.

Mane ayaa xili ciyaareedkan waxa uu kooxdiisa 61 ciyaar u dhaliyay 34 gool , dhanka kalena baastay 12 gool , halka uu saaxiibkiisa ay isku kooxda u dheelaan uu dhaliyay 26 gool, baastayna 10 gool.

Ciyaartooygan ayaa ah nin diintiisa ku dhaqma , muujista muslinimadiisa, kuna xidhan masaajidka magaalada Liverpool, laguna yaqaano in uu caawiyo dadka masaakiinta ah, si gaara wadankiisii dadka ku tabaalaysan, sidoo kalena waxa uu caan ku yahay in uu si shaqsi caadiya u noolyahay, isagoona gadanin sida ciyaartooyda la midka ah baabuurta qaaliga ah ama diyaaradaha sida gaarka ah ay ciyaartooydu u yeeshaan  iwm.

Mar arimaha nolashiisa wax laga waydiiyay iyo sababta uu u jecelyahay in uusan sida saaxiibadii u tamaslaynin,  waxa uu ku jawaabay in uu dhibaatooyin badan soo maray yaraantiisii, xitaa kaba la’aan uu ku ciyaaray, haatana uu badalkii uu hanti qaaliya kaligii ku tamashlayn lahaa uu ka jecelyahay in uu dadkii wadankiisa ku tabaalaysnaa in uu caawiyo.
Sadio Mane: the CAF African Player of the Year 2019.
Source: AAP

Share
2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand