Scott Morrison ayaa noqday Raiisul wasaarihii 30 aad ee Australia.
Mr Morrison ayaa codayn loo qaaday ka adkaaday wasiirkii hore ee arimaha gudaha Peter Dutton kadib markii xilka hogaanka uu baneeyay Malcolm Turnbull oo cod kalsooni ah looga qaaday awoodii.
Wasiirkii tamarta Josh Frydenberg ayaa noqday ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga Liberalka.
Nola Marino oo ah isuduwaha xisbiga ayaa ku dhawaaqday natiijada. Waxayna Tiri
"Musharaxa guushu raacday wxuu noqday Scott Morrison. Wuxuu ku guulaystay 45 cod halka uu Peter Dutton ka helay 40 cod. Markay noqoto ku xigeenka waxaa si aqlabiyad ah ugu guulaystay Josh Fydenberg".
Malcolm Turnbull ayaa la filayaa inuu iska casilo jagada RW maanta wuxuuna hore u sheegay inuu baarlamaanka oo dhan isaga bixidoono.
Wararka dheeraad ah kala soco SBS Somali