Madaxda Australia, oo uu oogu horeeyo Ra’iisulwasaare Scott Morrison, ayaa walaac ka muujiyey sii deynta dowlada Indonesia ay ku dhawaaqday in ay sii deyni doonto wadaadka Sh Abu-Bakar Bashir, oo loo xidhay isagoo lala xidhiidhiyay in uu yahay wadaad xag-jira hogaamiyana ka ah kooxka Jamacat Alislam.
Ra’iisul wasaaraha Australia Mr Scott Morrison iyo madax sare ee dowlada federaalka ee Australia ka tirsan ayaa xidhiidha toosa la yeelanaya dhigagooda Indonesia, halkaas oo ay la wadaageen dareenka Australia ay ka qabto sii deynta ninka loo xidhay in uu yahay maskaxdii ka danbeysay qarixii Baali ee ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 200 oo qof.
Dadka ku dhintay qarixii Baali ayaa 80 ka mida ay ahaayeen dad Australian ah, iyadoo wadaadkan Sh. Abubakar Bashiir uu ahaa ninka aadka loogu tirinayay in uu soo maleegay qaraxaas. Balse dhankiisa Abubakar Albshir waxa uu sheegay in qaraxaasi ay ka danbeeyeen sirdoonka Maraykanka iyo Israel.
Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ayaa shaaca ka qaaday in Sh. Abuubakar kafaalad lagu sii dayni doono todobaadkan dhexdiisa, isagoo loo eegayo xaalad baniaadanimo.
Balse Australia ayaa waxa ay u aragtaa ninkaasi in uu saamayn badan leeyahay, sii deyntiisana ay tahay dowladu in ay haboontahay in ay ka fiirsato.
Qaraxyadii 2002 kadib, dawlada Indonesia ayaa waxa ay aasaastay ciidamo la dagaalama argagixisada, ciidamadaas oo tababaradooda iyo dhaqaalahoodaba ay bixiyaan Maraykanka iyo Australia.