Settlement Guide: How to get mental health support in Australia

Migrants communities and non-English speakers are far less likely to access mental health services than those who were born in Australia. If you feel like you could have mental health issues and need support, there are many ways to get professional help.

Women hugging at group therapy session

Source: Getty Images

Haddii xataa aynaan sida xanuunada jirka ku dhaca uga hadal, caafimaadka xaga maskaxdaa waa mid badan. Sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya, shantii qof ee Australian ah mid ayaa qaba xanuun dhanka maskaxda ah.

La hadal dhaqtarkaaga guud

Hadii aad la tacaalayso xanuun xaga maskaxdaa, la hadal dhaqtarkaaga.

 

“Dhaqtarkoodu inta badan waa meesha u horaysa ee ay tagaan si loosii ogaado waxa xanuunku yahay oo loo qiimeeyo kadibna dhaqtar ku taqasusay loogu diro sida psychologist oo ah dhaqtar yaqaan xanuunada maskaxda" sidaas waxaa SBS u sheegay Dr Stephen Carbone.

Dhqaatiirta iyo turjubaanada ayaa ixtiraamaya macluumaadkaaga gaarkaa oo aan cidna la qaybsanayn, waana sharciyan inaysan cidna la qaybsan waxaad u sheegto.

Dadka aan afka Englishka ku hadal oo u baahan turjubaan waxaa jiro adeegyo sida kan ay bixiso TIS National.

Sidee laysaga bixiyaa qarashka?

Nidaamka Medicare ayaa bixiya  Better Access initiative, oo kuu ogolaanaya inaad 10 jeer aragto dhaqtar xanuunka madaxa ku taqasusay oo lacag la'aan ah sanadkasta.

Haddii aad tahay qof daqli yar soo galo waxaad xaq u yeelan kartaa barnaamujka ATAPS oo ku siinaya 12 jeer ama mararka qaar 18 jeer inaad dhaqtar aragto sanadkiiba.
Therapist
Source: CC0 Creative Commons
Si aad u hesho adeegyadaas iyo inaad lacag la'aan ku aragto dhaqaatiirta, waa inuu warqad kuu qoraa dhaqtarkaaga caadiga ah  ee GP loo yaqaan.

Xarumaha bulshada iyo ururo ayaa sidoo kale bixiya adeegyo latalin ah oo badan.

Caawimaad lagu helo dhanka internetka ama telefoonka.

Haddii aaddan ku qanacsanayn inaad qof hor fariisato ama aad u baahan tahay gargaar degdeg ah waxaad ka heli kartaa Online ama Telefoonka.

Beyondblue waxay leedahay qad tel oo 24/7 maalmoodba aad wici karto 1300 22 4636 iyo dad aad internetka kala hadli karto oo  3 PM to 12 AM, 7 maamood asbuuciiba la heli karo. Waxaad sidoo u  diri kartaa  email them  waqti kasta.

Gargaar degdeg waxaa kalood ka helikartaa  Lifeline  24/7  13 11 14 and a chat service from 7 PM to 4 AM. Waxaad kaloo la xariiri kartaa  Suicide Call Back Service oo ah adeeg caawiya dadka inay naftooda gooyaan qatarta ugu jira.

MindSpot waxay bixisaa qiimayn online lagu sameeyo iyo daawayn lacag la'aan ah.

Caawinta caruurta  Kids Helpline  1800 55 1800 waxaa loogu talo galay caruurta iyo dhalinyarada dadoodu u dhaxayso 5 sano ilaa 25 sano.

Adeegyada Turjumaada.

Haddii aad u baahan tahay taageero luqadaa, wac TIS National  131 450 marka hore kadibna waydii cida aad rabto inaad la hadasho. Waxaad u isticmaali kartaa TIS si aad u balansato turjumaan markaad booqanayso dhaqtarka guud ama mid ku taqasusay xanuunada dhimirka.

Qof uun la hadal

Two teenagers talking on a beach
Source: CC0 Creative Commons
Inaad qabto xanuun dhanka maskaxdaa ama aad caawimaad u raadsato ma ah wax laga xishoodo. Haddii aad xanuun dareemayso, waa lagama maarmaan inaad dhaqtar la hadasho ama urur ka shaqeeya xanuunka dhimirka ama qof aad aaminsan tahay oo saaxiib ama qoyskaaga ah.

 


Share
3 min read

Published

By Audrey Bourget

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand