Melbourne Cup waa tartan fardaha kan ugu caansan Australia. Fardaha ayaa orda masaafo gaaraysa 3,200 oo metre waxaan loo ogol yahay oo ka qaybgali kara fardo da'doodu ka wayn tahay 3 sano. Tartankan ayaa waxaa maamula hayada tartanka fardaha ee Victoria waxaana lagu qabtaa Flemington Racecourse oo Melbourne, Victoria ku yaal waana tartanka ugu qaalisan aduunka ee farduhu masaafadan ordaan.
Tartanka ayaa bilowda 3 galabnimo maalinta Talaadada ugu horaysay bisha November waxaana dalkan looga yaqaan "Tartanka dalkoo istaajiya" oo loola jeedo waqtiga tartanku socdo wadanka oo dhan dadku dhagaha ayay u taagayaan oo waala daawanayaa iyadoo lacag aad u farabadan lagu qamaaro.
The Melbourne Cup ayaa markii u horeeyay la qabtay 1861.
Lacagaha guud ee lagu bixiyay tartankii 2015 wuxuu ahaa 6 malyan iyo 200 kun wuxuuna faraskii guulaystay helay3.6 malayn oo doolar halka kii 10 aad galay la siiyay 125 kun oo doolar.
Lacagta guusha ayaa waxaa kala qaysado milkiilaha faraska leh oo qaata 85% halka tababaruhu qaato 10% iyadoo ninka fuula la siiyo 5%.