Sky News admits it was 'wrong' to air interview with Blair Cottrell from United Patriots Front

A SkyNews interview with far right nationalist Blair Cottrell has been pulled by the broadcaster.

A SkyNews interview with far right nationalist Blair Cottrell has been pulled by the broadcaster. Source: AAP


Telefishionla SkyNews Australia ayaa qiray inay qalad ahayn inay soo daayaan waraysi nin aad u aaminsan siyaasadaha garabka midig Blair Cottrell wuxuuna TV ka saaray waraysiga dhamaan qaybaha kala duwan ee ay wararka ku fidyaan.

Waraysigan ayaa la qaaday fiidkii Axada, waxaan qaaday hogaamihii hore ee Northern Territory Adam Giles oo baarnaamuj hadda ku leh TV.

Waraysiga ayaa caro wayb ka kiciyay warbaahinta bulshada.

Waxaa ka mid ahaa dadka sida aadkaa u dhaliilay waraysiga labo ka tirsan wariyayaasha waaweyn ee isla Sky News David Spears and Laura Jayes oo ku tilmaamay Cottrell wasaq.

Madaxa wararka Sky News Greg Byrnes ayaa bartiisa Twitherka ku qoray habeenkii Axada in siidaynta waraysigaas uu ahaa qalad iyo in Blair Cottrell la keeno Sky News ay qalad ahayd wuxuuna intaa ku daray in aragtida ninkan aysan ka turjumin SKY News.

Siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada Greenka iyo Laborka ayaa sheegay inaysan mardanbe Sky waraysi siin doonin ilaa ay SKY NEWs raaligalin ka bixinayo waxa dhacay.

Blair Cottrell ayaa hore maxkamad loogusoo taagay fidiyow ay laga matalayay Mulimiin dad surka ka goynaya, wuxuuna qayb wayn ka qaatay diidmooyin loogasoo horjeeday masaajid laga dhisayay magalaada Bendigo ee Victoria.

Wuxuu Blair ka tirsan yahay koox isku magacowday United Patriots oo aad ugasoo horjeeda soogalootiga iyo muslimiinta.

 


Share
2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand