Facebook ayaa mamnuucaya amaanta, taageerada iyo soo bandhiga waxyaalaha ku salaysan cadaanka goonigoosadka ah iyo cadaanka wadaniyada amaanisan. Tan ayaa qayb ka ah dadaalada wax looga qabanayo hadalada nacaybka wata.
Facebook ayaa sheegay in siyaasadan cusub la dhaqangalindoono asbuuca soosocda.
Cadaanka dadka kale iskala wayn ayaa tooshka lagu shiday kadib markii nin Australian ah uu 50 qof oo muslimiin ah ku toogtay labo masaajid oo ku yaal Christchurch isagoo isticmaalayay warbaahinta bulshada inuu bulshada kula wadaago ujeedadiisa ka hor weerarka iyo inta weerarku socday.
Talaabadan ayaa imanaysa iyadoo madaxda caalamku ay ku booriyeen Facebook, Twitter iyo Google inay ka saaraan waxyaalaha ay galiyaan kooxaha cadaanka isla wayn iyo neo-Nazi yiinta.