Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Somali PM dismisses claims of the capital unsafe

Somali PM declares war on Al-Shabaab
Source: Qaranimo

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho aan lagu tilamaami karin goob aan amaan ahayn. Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay magaalada ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Soomaalida shir loogu qabto meel ka baxsan ayna ukala turjumaan waa sida uu hadalka u dhigaye dad ajaaniib ah.

Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu doonayo inuu xasuusiyo dadka in Muqdisho ay tahay astaantii qaranka magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxaysa.

" Waxaanan soo dhawaynayn in la yiraahdo daraf sadexaad oo ajanabi ah ha nasoo dhexgalo" ayuu yiri RW Khyare.

Hadalka RW ayaa imanaya iyadoo ay wali jiraan khilaaf u dhexeeya dawlada federalka iyo maamu lgoboleedyada oo dhawaan shir ay Kismaayo ku qabteen xiriirka ugu jaray dawlada federalka iyagoo ku eedeeyay inaysan fulin heshiisyo ay hore u wada galeen ayna sidoo kale faragalin ku haysto maamulada.

Inkastoo RW uusan si toos u carabaabin maamulada haddana waxaa socda dadaalo lagu doonayo in khilaafka la xaliyo iyadoo aqalka sare uu magaacabay gudi lagu sheegay inay arintaas ka shaqayndoonaan.

RW Khayre ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan ay dareemayaan in sharaftii dawladnimo ay soo noqotay sidaas daraadeed lasoo dhaafay waqtigii madaxdooda ajaaniib ay ukala turjumi jirtay.


2 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now