Waxaa maalintii labaad ku sugan boqortooyada Sacuudi Carabiya wafti uu hogaaminayo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Waftiga ayaa waxaa magaalada Riyad kusoo dhaweeyay Amiiro iyo wasiiro ka tirsan Sacuudiga.
RW Khayre ayaa intii ku gudajiryay booqashada wuxuu la kulmay wasiirka arimaha dibada Sacuudiga oo ku tilmaamay Soomaliya meel horumar badan ka socda sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arimaha dibada Somaliya Axmed Ciise Cawad.
RW Khayre ayaa sidoo kale booqday qasriga uu degan yahay boqorka Sacuudiga boqor Salman.
RW Khayre ayaa uga mahadceliayay madaxda Sacuudiga sida ay waftigiisa usoo dhaweeyeen iyo sida ay u taageeraan Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.