Garoonka Caalamida ah ee Adan Cade, ayaa lagu qabtay diyaarad siday boorsooyin lacaga oo sida la sheegay sadex ahaa, iyadoo diyaarada siday la xaqiijiyay in laga leeyahay Wadanka Imaaraada Carabta, isla markaasna ay ka timid Imaaraadka Carabta. halka qadarka lacagta la qabtay la sheegay in ay tahay 9,600,000 “sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo doolar”
Diyaarada ayaa sidoo kale la sheegay in ay la socdeen Saraakiil Imaaraada, iyadoo lacagtana la sheegay in ay ka timid Imaaraadka, sida warar kale lga soo xigtayna uu cadeeyay Masuul Imaaraada oo ku Sugan Soomaaliya, in lacagtaasi ay ahayd mushaaraadkii Ciidamada ay Imaaraadku Soomaaliya ku tababaraan.
Diyaaradii siday lacagtan ayaa la sheegay , kadib dadaala diblomaasiyadeed, in ay u suura gashay in ay dib oogu noqoto Imaaraadka Carabta, halka la sheegay lacagtii in dawladu ay gacanta ku hayso, iyadoo sheegtay in ay baadhitaana dheeraada ku samayni doonto lacagtan.
Sida la ogyahay, waxaa jiray eedaymo hore oo ahaa in ay jiraan dhincyo lacaga aad u badan ka keena wadama ay Imaaraadku ka mid tahay, si qalalaaso siyaasadeed looga abuuro gudaha wadanka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan tuhun kale oo ahaa, in lacagahaas loo adeegsado abuurida mooshina ka dhana madaxda dalka u saraysa.
Lacagtan tirada badan ee boorsooyinka lagu siday, ee ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa kusoo beegmaysa xili ay magaaldada Muqdisho ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay mooshinkii ka dhaka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cisman Jawaari, iyadoo xubnihii baarlamaanku ay u kala jabeen laba dhinac, iyadoo ay muuqanayso in is xulufaysi iyo suxul duub badani uu ka dhex jirto labada dhinac, isagoo mid walba uu u ololaynayo in uu tira ku filan oo uu isku difaaco ama uu weerar ku jabiyo ka dhex helo Xubnaha baarlamaanka.