Sideed ka tirsanayd ciyaartooyda Cameroon, oo 45 qof ka koobnaa, kana qayb galayay ciyaarahay Commonwealthiga, ee Gold Coast, ayaa la xaqiijiyay in haatan aan la ogayn halka ay ku sugan yihiin, kadib markii laga dhex waayay goobtii ay ciyaartooyda Cameroon iyo hogaankooduba degenaayeen.
Sidoo kale waxaa la waayay meel ay galeen ciyaartoy ka kala soctay wadamada Ruwanda , Uganda, iyo Sierra Leon.
Dhinaca kale, Waaxda Arimaha Socdaalka ee Gold Coast, ayaa sheegtay in wax ka badan 40 ciyaartooy, oo ka qayb galaysay Ciyaaraha Commonwealthiga , in ay lasoo xidhiidheen, iyagoo doonaya in ay ogaadaan qaabkii ay usii joogi karaan wadanka Australia.
Ciyaartooydan la waayay meel ay galeen ayaa loo badinayaa in ay qorshaynayaan in ay sii joogaan wadanka Australia, iyadoo loo badinayo in ay isdhiibi rabaan.
Dareenka isdhiibida ama magan galiya doonka ciyaartooyda ayaa ah mid aan ku cusbayn wadamada hore maray ee ciyaarahanoo kale ay ka dhacaan.
Kadib Ciyaarihii 2006 ee Melbourne ka dhacay, ayaa tira 45 qofa ay wadanka Australia ku hadheen, kadib markii ay ciyaarihii dhamaadeen, iyado qaarkood ay isdhiibeen.
Dadkaas isdhiibay ayaa waxaa ka mid ahaa laba ciyaarooy oo Cameroon u dhashay, oo kuwa culaysyada qaada ka mid ahaa, iyadoo kadib qoxootinima loo ogolaaday.
Labadan ciyaartooy ayaa markii danbe ka mid noqday Xulka Qaranka Australia ee ciyaaraha, biladana magaca Australia ku qaadeen, iyadoo ninka la yidhaahdo Fancois Etoundi, uu ciyaarahan Commonwealthiga ee hada dhamaaday, uu ku guulaystay bilada naxaasta ee culays qaadida, isagoo Australian markan u safan.