Sri Lanka bans face coverings after deadly Easter suicide bomb attacks

Burqa ban

Sri Lanka has banned face covering veils following the Easter suicide bombing attacks. (Image from previous protest in Denmark) Source: EPA

Haweenka Muslimiinta Sri Lanka ayaa lagu amray inay joojiyaan xirashada niqaabka marka ay goobaha dadqweynaha marayaan iyadoo dawladu soo rogtay xanibaado adadag oo amaanka la xariira kadib weeraradii ismiidaaminta ahaa ee dhacay ciida Easterka.
 
Madaxweynaha Sri Lankan Maithripala Sirisena ayaa ku dhawaaqay mamnuucida niqaabka asbuuc kadib markii koox mintidiin ah ay fuliyeen qaraxyo ismiidaamin ahaa oo ay ku dhinteen 253 qof.


Mr Sirisena ayaa sheegay inuu u isticmaalay amarka degdega inuu ku mamnuuco noockastoo ah dharka qofka wajigiisa lagu qariyo marka goobaha dadweynaha joogaan.

 Xanibaadan ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo maanta oo isniin ah sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

"Mamnuucidan waa mid lagu xaqiijinayo amaanka qaranka...qofna ma ah inuu wajigiisa qariyo oo ay adkaato in la aqoonsado qofka," ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Tan ayaa imanaysa maalmo kadib markii culumada islaamku ay ku booriyeen haweenka mudlimiinta ah inaysan qarin wajigooda iyagoo ka cabsi qaba aargoosi uga yimaada qaraxyadii ay fuliyeen koox jihaad doon ah oo lala xariirinayo kooxda isku magacowda Ismaic State. Wadankan oo aqlabiyadiisu diinta budistaha haystaan ayay muslimiintu ka yihiin 10 % 21 malayn oo dalkan ku nool.




Inta badan muslimiinta Sri Lanka ayaa ku dhaqma nooc qunyarsocodnimo diinta islamka ah, tiro yar oo haweenka ah ayaana xirta niqaabka..







Share
2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand