Madaxweynaha Suudaan Omar al-Bashir ayaa kala diray dhamaan golihii wasiirada iyadoo dalkiisu wajahayo qulqulad dhaqaale oo kasii daraysa.
Madaxweyne Al-Bashir ayaa xilka ka xayuubiyay dhamaan golihii wasiirada ee wadanka oo ka koobnaa 31 wasiir wuxuuna u magacaabay Raiisul Wasaare Moutaz Mousa Abdallah si usoo dhiso dawlad tiro yar laakiin awood u leh inay wax ka qabato dhibaatada dhaqaale ee dalka haysta.
Go'aanka madaxweynaha ayaa waxaa ansixiyay hogaanka sare ee xisbiga talada haya ee National Congress Party.
Suudaan ayaa wajahaysa lacagta qalaad oo ku yaraatay dalka iyo sicir barar kor u dhaafay 65%.