Senatar Steve Martin, oo ahaa xubin ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Australia, ayaa ku biiray xibiga Nationalka.
Xubinkan madaxa banaanaa ee Tazmania laga soo doortay, ayaa kusoo biiray baarlamaanka bishii February, isagoo badalay Senetarad Jacqui Lambie, oo ka mid ahayd xubnihii ay xaadhatay dabayshii laba jinsiyad haysiga, iyadoo is casishay kadib xiisadaas.
Kusoo biirida Senator Steve ee Xisbiga Natiolka, ayaa ka dhigan in ay xukuumada Mr Turnbull ay heshay xubin kale oo kusoo biiray Isbahaysiga wadanka hada ka taliya.
Stive Martin, ayaa sheegay in sababta uu oogu soo biiray Xisbiga Nationlka in ay tahay aqoonsiga uu xisbigu ka haysto degaanada gobalada, isagoo sheegay in ayna jirin wax uu dhaafsaday kusoo biirida xisbiga.