The Arab Summit concluded in Dammam, KSA.

The Arab Summit concluded in Dammam, KSA.

Arab Leage Summit in Dammam, 15, April 2018

Source: AljazeeraNet

Shir madaxeedkii 29aad ee Jaamacada Carabta ayaa lagu soo gabagabeeyay Axadii 15/04/2015, magaalada Dammaam, ee Dalka Sucuudiga, iyadoo shirkii  gogal xaadhka ahaa ee wasiirada arimaha dibada ee dalalka carbta uu dhacay khamiistii 12/04/2018.

Shirkan oo qabsoomay  maalintii xigtay  weerarkii sadex geesoodka ahaa ee Maraykanka, Britain iyo France,  ay gantaalada  la beegsadeen gooba kamida wadanka siiriya, ayaa marka laga reebo khudbadaha madaxda qaar, aanan lagu darin arinta weerarkaas ajandaha shirka.

Shirkan dalalka Jaamacada Carabta, ayaa ku soo beegmay xili xasaasi ah, marka laga eego khilaafyada wadamada carbeed u dhexeeya oo xaalad adag maraya, iyadoo Khilaafkii Khaliijku uu oogu weyn yahay, taasina ay saamaysan shirka go’aamadiisa.

Wasiirka arimaha dibada ee Sucuudiga Caadil Aljubayr, ayaa sheegay in khilaafa Khaliijka aan lagu soo qaadi doonin shir-madaxeedka Carabta, isagoo sheegay in dhibaatadan xalkeeda lagu baadhi doono heerka Gacanka Carbeed.

Soomaaliya ayaa sidoo kale Khilaafkaas khaliijku uu si aada u saameeyay, iyadoo haatan galisay xidhiidhka rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, xaalad adag, kadib markii maalin dhawayto la qabtay diyaarad Imaaraadka laga lahaa oo waday 9.6 million oo doolar, lacagtaas oo Imaaraadku ay sheegeen in ay mushaaraad ciidan ahayd, kadibna lacagtaas ay dawlada Soomaaliya la wareegtay, iyadoo baadhitaano kula maqan.

Shirkan ayaa lasoo gabababeeyay isla axadii, isagoo sida la sheegay xaaladaha khilaafaadka ee aadka u batay carabta dhaxdeeda, iyo kala ra’ayi duwanaanshaha siyaasadeed ee carabta dhaxdeeda ah , ay keentay in arima badan oo mihiim ahaa in aan laga wada xaajoon.

Midawga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta, ayaa dhankooda oogu yeedhay Shir Madaxeedka Carabta in ay hogaamiyaalka carabtu soo afjaraan khilaafaadkooda u dhexeeya, ayna usoo jeedsadaan wax ka qabadka dhibaatooyinka ka aloosan caalamka carabta, iyo ka hor taga colaadaha ku wajahan carabta ee dibada kaga imanaya.

Shir Madaxeedkan Carbeed, ayaa gabagabadii, waxa uu soo saaray in Shir Madaxeedka 30aad ee soo aadan lagu qabto wadanka Tuunis, bisha March 2019.

 


Share
2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand