Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

The Australian government accused of acting hastily in withdrawing accused terrorist Neil Prakash's citizenship

The Australian government accused of acting hastily in withdrawing accused terrorist Neil Prakash's citizenship

The removal of alleged Islamic State recruiter Neil Prakash's Australian citizenship has been put in doubt with reports he may not hold dual citizenship.
The removal of alleged Islamic State recruiter Neil Prakash's Australian citizenship has been put in doubt Source: AAP

Dawlada Australia ayaa lagu eedaynayaa in ay ku degdegtay jinsiyad ka xayuubinta ay ku samaysay ninka la yidhaahdo Neil Prakash.

Dawlada ayaa ku adkaysanaysa go’aankeedaas ay jinsiyada ooga xayuubisay Neil Prakash oo 27 jirka ah, kuna dhashay magaalada Melbourne, asal ahaana kasoo jeeda wadanka Fiji.

 Ninkan oo haatan ku xidhan wadanka Trukiga, ayaa eedda loo haysto waxa ay tahay in uu ka midyahay kooxda Islamic State, waliba la sheegay inuu ka midyahay dadka tababarada bixiya.

Todobaadkii nadhaafay dabayaaqadiisii ayey dawladu ku go’aan qaadatay in ay jinsiyada Australia ka xayuubiso Neil Prakash, kadib markii lagu soo eedeeyay xidhiidhkiisa uu la leeyahay Islamic State.

Arintan ayaa muran siyaasadeed dhalisay kadib markii dalka Fiji oo uu kasoo jeeday asal ahaan uu ku dhawaaqay, sida wararku sheegayaan, in Neil Prakash uusan ka mid ahayn muwaadiniinta Fiji.

Dulucda muranka ayaa waxa ay tahay hadii Fiji ay cadayso in Prakash  uusan muwaadiniinteeda kamid ahayn, dawlada Australia waxaa ka reeban in ay jinsiyada ka xayuubiso qof xaaladaas oo kale ku sugan, sababtoo ah waxa uu qofkaasi noqonayaa qof aan wadan lahayn.

Wasiirka arimaha Socdaalka iyo Jinsiyada David Coleman, ayaa isagu ku adkaysanaya in dawladu ay raacday habkii sharciga ahaa ee dalka u deganaa, dhanka la mucaamalka xaaladahan oo kale.

Afhayeenka mucaaradka ee waaxda socdaalka Shayne Neumann, ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha Peter Dutton, uu ku fududaaday ka xayuubinta Jinsiyada ee Neil Prakash.


2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar

Source: SBS News



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now