Ninkii baabuurka dadka ku jiidhsiiyay magaalada Melbourne farasmagaalaheeda, ayaa Lagu xukumay 18 fal danbiyeed, ahna isku day in uu wax dilo,
Saciid Noori – oo Australi ah, kana soo jeeda Afqanistaan - ayaa la hor keenay Maxkamada Danbiyada Melbourne, Isagoo lagu soo oogay 18 fal isku day diltaan, iyo hal fal oo ah fal Masuuliyad daro in uu khatar ku galiyo nolasha daka.
Saciid hooyadii ayaa ka mid aheyd dadkii yimid maxkamada, isaga oo markii uu arkay hooyadii oo joogta gudaha maxkamada, iyadoo ooyaysa, ayuu madixiisa hoo u foorariyay, iyada oo isla mar ahaantaana la bilaabay akhrinta danbiyadii lagu soo oogay.
Noori Saciid, ayaan codsanin wax damaanad kusii dayna, isaga oo kusii jiri doona xabsiga ilaa iyo Arbacada, taas oo ah waqtiga loo qabtay in lasoo hor taago mar labaad maxkamada.
Looyarka Saciid udoodaya/ Tass Antos, ayaa u sheegay maxkamada, in macmiilkiisu kula kulmay xabsiga dhaxdiisa xaalad caafimaad oo aad u xun, oo dhanka jidhka iyo dhanka maskaxdaba saameeyay.
Falka saciid, ee dadka nolashooda uu ku beegsaday, ayaa waxa ay masuuliinta Victoriya kaga jawaabeen in ay kor u qaadeen xaalada amaanka ee gobalka Victoria, si gaara maalmahan oo munaasabada dhawra ay isku xigaan, dakuna si xad dhaafa ay dukaamaysiga iyo munaasabadaha isugu imaanayaan. Iyo sidoo kale arinta daryeel dheeraada oo la siiyo dadka xanuuka dhimirka qaba, taas oo wax tar u ah dadka dhibanayaalka ah , iyo sidoo kale bulsha-weynta Australia.