Isbahaysiga Arimaha Qaxootiga, ayaa oogu yeedhay xukuumada Ra'iisulwasaare Scott Morrison, in ay go'aan ka qaadato sanadka cusub dadka ku dhibaataysan xeryaha qoxootiga ee Manus iyo Nauru.
Afhayeenka isbahaysiga, Lan Rintoul, ayaa sheegay in dhalaan badan oo ku dhibaataysnaa xeryaha wadanka Nauru iyo jasiirada Manus ee PNG, in lagu guulaystay in la keeno wadanka Australia, balse waxa uu oogu yeedhay xukuumada, in si buuxda loo xidho xeryahaas.
Mar uu Lan la hadlay Shabakada wararka ee idaacada SBS, ayaa waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in lasoo afjaro dhibaatada dadkaas haysata, sanada 2019 ay noqoto sanadkii albaabada la-isugu laabayay xeryahaas , dadka ku dhaqana la keeno wadanka Australia, oo ay ka heli karaan amaan, daryeel caafimaad iyo ilaalinta ay u baahanyihiin.
Dhinacyada kala duwan ee u dooda arimaha xuquuqda aadamaha ayaa waxa ay si jireena culaysyo oogu hayaan dawlada Australia, iyagoo oogu yeedhaya in ay soo xidhaan xeryaha qoxootiga ee ay Australia maamusho ee ku yaala dalka Nauru iyo jasiirada Manus ee dalka PNG