Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

The Refugee Action Coalition has called on the Morrison government to make a New Year's resolution to stop offshore detention.

The Refugee Action Coalition has called on the Morrison government to make a New Year's resolution to stop offshore detention.

2017: Protesters demand the closure by the Australian government of the offshore immigration detention centres in Manus and Nauru.
2017: Protesters demand the closure by the Australian government of the offshore immigration detention centres in Manus and Nauru. Source: Getty Images

Isbahaysiga Arimaha Qaxootiga,  ayaa oogu yeedhay xukuumada Ra'iisulwasaare Scott Morrison, in ay go'aan ka qaadato  sanadka cusub dadka ku dhibaataysan xeryaha qoxootiga ee Manus iyo Nauru.

Afhayeenka isbahaysiga,  Lan Rintoul, ayaa sheegay in dhalaan badan oo ku  dhibaataysnaa xeryaha wadanka Nauru iyo jasiirada Manus ee PNG, in lagu guulaystay in la keeno wadanka Australia, balse waxa uu oogu yeedhay xukuumada, in si buuxda loo xidho xeryahaas.

Mar uu Lan la hadlay  Shabakada wararka ee idaacada SBS, ayaa waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in lasoo afjaro dhibaatada dadkaas haysata, sanada 2019 ay noqoto sanadkii albaabada la-isugu laabayay xeryahaas , dadka ku dhaqana la keeno wadanka Australia, oo ay ka heli karaan amaan, daryeel caafimaad iyo ilaalinta ay u baahanyihiin.

Dhinacyada kala duwan ee u dooda arimaha xuquuqda aadamaha  ayaa waxa ay si jireena culaysyo oogu hayaan dawlada Australia, iyagoo oogu yeedhaya in ay soo xidhaan xeryaha qoxootiga ee ay Australia maamusho ee ku yaala dalka Nauru iyo jasiirada Manus ee dalka PNG


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now