The Saudi teenager stopped at a Thai airport leaves with UNHCR

The Saudi teenager stopped at a Thai airport leaves with UNHCR

The Saudi teenager stopped at a Thai airport

Source: AljazeeraNet

Rahaf Maxamed al-Qanuun oo 18 jira, una dhalatay Boqortooyada Sucuudiga ayaa kasoo baxsatay qoyskeeda oo ku noolaa wadanka Kuwayt, iyada oo sheegtay in ay usoo baxsatay iyadoo reerkeedu ay cadaadisyo badan ku hayeen  sababa la xidhiidha iyadoo, timaheeda gaabsatay diintii islaamkana ka baxday, ayna ka baqayso in qoyskeedu ay dilaan haday dib oogu noqoto.

Rahaf ayaa waxa ay ka heshay dalka Australia  visa 3 bilooda  oo lasiiyay 06 December 2018, waxeyna kusoo safartay diyaarad laga leeyahay dalka Kuwayt, balse markii ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee wadanka Thailand,  ayaa sida la sheegay la ogaaday in ayna haysanin tigid noqosha ah, halkaas oo saraakiisha socdaalka ee wadanka Thailand ay shaki ka qaadeen, kadibna ka reebeen safarteedii, kuna hakiyeen garoonka diyaaradaha.

Saraakiisa Socdaalka ee wadanka Thailand ayaa la sheegay kadib markii ay dareemeen in warqadaheeda socdaalku  wax ka dhimanyihiin,  waxa ay bilaabeen in ay qorsheeyaan sidii ay dib oogu celin lahaayeen, iyagoo diyaariyay in ay Rahaf celiyaan Isniintii (07/01”2019), balse gabadha ayaa waxa ay biloowday in ay diido in ay kasoo baxdo qolkii ay ka deganayd hotelka, iyadoo albaabkii qolkeeda miis ku gudubtay, kuna cabaadaysay in ayna qolka kasoo baxaynin ilaa ay ooga yimaadaan saraakiisha Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR).

Rahaf, ayaa waxa ay isla markaas barta  twitterkeeda ku faafisay cabashadeeda, iyadoo dalalka ay ka midka yihiin – Australia, Maraykanka, Kanada iyo Brirain, ay ka codsatay in ay magan-galiyaan.

Dhawaqa gabadha da’ada yar ayaa soo jiitay dhinacyo badan oo ay oogu horaysay Hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga, qaar ka mida warbaahinta dunida iyo dareenka qaar ka mida dadweynaha, sabatuna ay tahay in iyadoo ay wali sii nooshahay dhacdadii  lagu dilay saxafigii caanka ahaa ee Sucuudiga u dhashay  Jamaal Alkhasaqji – ayaa waxaa, ayaa waxa ay hay’adaha xuquuqda aadamuhu ay afka furteen iyagoo ka hortagayaya in gabadhaas da’ada yar  dib loogu celinin Sucuudiga.

Ugu danbayntii Hay’ada Qaramada Midoobay u qaablisan Arimaha qoxootiga, ayaa la wareegtay xaalada gabadha, iyadoo la sugayo in ay xaaladeeda maalma kooban war kama danbaysa kasoo saarto, iyada oo ay u biloowdeen waraysiyo lagu qiimaynayo xaalada gabadha ee dhanka  dhibaatada ay sheeganayso.

Dhankeeda Senatarada Xisbiga Greenka ee Australia ayaa oogu yeedhay xukuumada Australia in ay gabadhaas usoo saarto Warqada Aqoonsi ee lagu safri karo oo degdega , iyadoo sheegtay in gabadhaasi yar ay Australia u cabatay, waydiisatayna gacan qabad, Australiyana ay u haboontahay in ay kaalintaas qaadato, gacan qabatana gabadhaas yar.

 

 

 


Share
3 min read

Published

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
The Saudi teenager stopped at a Thai airport leaves with UNHCR | SBS Somali