Doorashooyinkii Kuceliska ahaa ee Australia ka dhacay Axadii (28 July 2018) ayaa Laborku ay ku guulaysteen afar ka mida shanti kursi ee kuciliska ahayd, halka kursiga kalena uu ku guulaystay xisbigii Nick Zenophon ee Centre Alliance, halka Leberaalka cidla la diray.
Afarta xubnood ee Laborka usoo baxday ayaa Sadex ka mida ay ahaayeen kuwii ay galaafatay arintii Laba-jinsiyad haysashadu , kadib markii ay cadayn waayeen katansulkooda Jinsiyada kale, mareen shuruucdii loo baahnaa.
Sadaxdaax Xubnood waxa ay kala yihiin, Susan Lamb, Justine Keay iyo Josh Wilson. Iyadoo Xubinka Afraad ee Laborka ee cusubna uu yahay Patrick Gorman.
Susan Lamb ayaa ku guulaysatay kursiga Longman ee Queensland, halka Dhanka Kursiga Tasmania ee Braddon, ay ku guulaysatay Murashaxada Laborka Justine Keay, iyadoo dhanka Western Australia, Kursiga Fremantle isagana uu ku guulaystay Josh Wilson, dhanka Kursiga Perth, ayaa waxaa isagana ku guulaystya Xubinka Laborka ee sida kalida ah oogu cusub doorashadan ku celiska ah Mr Patrick Gorman.
Kursiga South Australia (Mayo) waxaa si xoog leh guushu oogu raacday Rebekha Sharkie, oo ka socotay Xisbiga Centre Alliance, oo uu aasaasay Siyaasiga Nick Zenophon.
Mr Wilson, Ms Keay , Ms Lamb iyo Ms Sharkie, ayaa iyagu mar kale dib oogu soo noqon doono Baarlamaanka Federaalka ee Australia , kadib markii go’aan Maxkamada Sare kasoo baxay uu ku qasbay in ay iska casilaan jagooyinkooda, sababtuna ay ahayd in ayna cadaynin ka tanaasulkooda jinsiyada labaad, markii ay kusoo guulaysteen xubinimada Baarlamaanka 2016.
Kursiga Perth ayaa waxa uu noqday kursiga kaliya ee kunoqoshada doorashooyinkiisa ayna sababtu ahayn arinta laba-jinsiyad haysiga, iyadoo ay sababtu ahayd in Xubinkii hore ee Laborka Tim Hammond, uu iskii isu casilay, sababa la xidhiidha arima qoys, iyadoo kursigaasna uu kusoo baxay Xubinka Laborka ee cusub Patrick Gorman.