The Turnbull Government ruled out holding a referendum on dual citizenship, while a Parliament committee recommend for it.

The Turnbull Government has ruled out holding a referendum on dual citizenship, while a Parliament committee recommend for it.

Dual citizenship

Liberal Senator Linda Reynolds Source: AAP

Nidaamka Muranka badan ka dhex abuuray Siyaasada Australia, ahna laba jinsiyad haysiga xubna ka mida baarlamaanka Australia, oo sabab u noqday in ay xubinimadoodii baarlamaanka  ku waayeen  , ayaa waxaa hada soo baxaysa aragti ah in qodobka 44 ee dastuurka Australia - oo isagu asal u ah diidada qof laba jinsiyad haysta in uu xubin ka noqdo Baarlamaanka Australia - in afti dadweyne loo qaado, si loogu gogal xaadho wax ka badalkiisa.

Arintan ayaa waxaa u ololaynaya Gudida Wadaaga ee joogtada ah ee Baarlamaanka, iyadoo u dhigaysa in qodabkaasi uusan la jaan qaadi karin nidaamka dimuqraadiga ee Australia ka jira.

Balse xukuumada Mr Turnbull ayaa meesha ka saartay afti la qabto, iyadoo ay ku andocoonayaan in ayna jirin waqti ku filan aftida dadweynaha, marka la eego doorashooyinka guud ee wadanka kusoo fool leh, iyo sidoo kale doorashada 5 xubnood ee ku celiska.

Sidoo kale Ra'iisulwasaare Turnbull, ayaa shaki ka muujiyay in qorshahan uu heli karo taageerada dadweyne ee loo baahanyahay hadii lasoo bandhigo. Waxaa kale oo uu ra'iisulwasaare Turnbull uu ku adkaysanayaa in qodobka 44aad ee xeerka dastuurka Australia, in uusan ahayn mid sidaas u adag dhanka fulintiisa.

Basle Madaxa Gudida Baarlamaanka ee Joogtada ah Senatarad: Linda Reynolds, ayaa -  iyadoo qirtay culaysyada nidaamka Aftida -  waxa ay cadaysay in qodobka 44 ee dastuurka Australia in uu wax gaaraya 50% dadka Australianka ah in uu caqabad ku noqonayo in ay u baratamaan xubinimada baarlamaanka.

Setatarad Linda, ayaa sidoo kale sheegtay in dadka Indigenouska - ee waalidiintooda sida qasabka ah waqti hore loogala wareegay - dadkaasna in ay sidoo kale ka hor istaagayso

ka midnoqoshada baarlamaanka Australia.

Linda ayaa iyadoo arintaas ka duulaysa, waxa ay u aragtaa in qodabka 44 uu san ahayn mid la socon karo dimuqraadiyada ku haboon wadan dadkiisu ay dhaqama kala duwan kasoo jeedaan.

Si kasta oo uu ku danbeeyo go'aanka laga qaato,  qodabka 44 ayaa isagu ka dhigan qodab saamayn joogta ah ku yeelanaya siyaasiyiinta wadanka Australia, kuwooda hada baarlamaanka ku jira, iyo kuwa laga yaabo in ay mustaqbalka qorshaynayaan ka mid noqoshada baarlamaanka Australia.

 


Share
2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand