Aqalka senatka Maraykanka ayaa ku guuldaraystay inay joojiyaan codka veto ga ah oo Madaxweyne Trump saaray sharci uu congress ku mamnuucay in hubka qaarkood laga iibiyo Sacuudiga.
45 cod ayaa diiday inay codka qayaxan ee Veto loo yaqaan ee madaxweynaha la tuuro halka 40 ay doonayeen in la joojiyo iyadoo Senatku uu baahnaa 3 meelood labo codadka aqalka Senatka.
Tan ayaa imanaysa kadib markii maamulka Trump uu bishii May ku dhawaaqay inuu sii wadayo heshiis hub qiimihiisu gaarayo 8 bilyan looga iibinayo Sacuudi Carabiya
Madaxweyne Trump ayaa ku doodaya in joojinta hubka laga gado Sacuudiga ay wiiqayso xiriirka labada dal.