The unexpected failure of the Labor Party in the Federal Election, the party is in the process of getting a new leader.

The unexpected failure of the Labor Party in the Federal Election, the party is in the process of getting a new leader.

Anthony Albanese will contest Labor's leadership ballot.

Anthony Albanese will contest Labor's leadership ballot. Source: AAP

Doorashooyinkii Federalka Australia ee Sabtidii 18/05/2019, ayaa natiijadu noqotay mid filanwaa dhashay, si gaara filanwaa culus ku noqotay Xisbiga Laborka ee mucaaradka  ah.

Cod-uruurin laga qaaday dadka cod bixiyaasha ka hor doorashooyinka, oo ay hay’ada kala duwan qaadeen – sida YouGove/Galaxy, Ipsos iyo ReachTel, ayaa dhamaan waxa ay odorasayeen in Xisbiga Laborka uu ku horeeyo codadka iyadoo ay odoraseen in 51%  ay  codadka dadweynaha helayaan, halka isbahaysigu 49% uu helayo.

Balse biloowga tirintii codadka habeenkii sabtida ahayd, waxaa muuqatay wax ka duwan odorsyadaas dhamaantood, iyadoo ay soo muuqatay in ay codbixinta ku horeeyaan Isbahaysiga talada haya.

Tan ayaa ku qasabtay hogaamiyha mucaaradka Bill Shorten, in wax yar ka hor habeen kala badhkii Sabtida, in uu gar-waaqsado in xisbigiisa looga guulaystay doorashooyinkii federaalka ee 2019, isagoo u hanbalyeeyay Ra’iisulwasaare Scott Morrison.

Khudbad uu jeediyay kadib guul-daradaas dhanka doorashooyinka Federaalka, Mr Shorten waxa kale oo uu sheegay in uu iska casilayo hogaaminta Xisbiga Laborka, balse uu kasii mid ahaan doono baarlamaanka , isagoo laga soo doorto xaafada Maribyrnong ee Melbourne.

 Mr Shorten ayaa is casilidiisu waxa ay soo afjaraysaa ku dhawaad lix sano oo uu hogaaminayay xisbiga Laborka, iyadoo la xusuusto in – inkasta oo Xisbiga Laborku – uu cod aruurinta dadweynaha uu ahaa xisbiga loogu jecel yahay, balse Mr Shorten, marna kuma guulaysan in shaqsi ahaan uu ku guulaysto hogaamiyaha loogu jecelyahay in uu Ra’iisul-wasaare wadanka ka noqdo, isagoo cod aruurintaasna mar walba kaga hooseeyay sadex Ra’iisul-Wasaare oo soo maray intii uu hayay hogaanka Laborka, kalana ahaa Tony Abbott, Malcolm Turnbull iyo Scott Morrison.

 Bill Shorten ayaa oogu yeedhay Gudida Fulinta ee Xisbiga Laborka in ay dadajiyaan doorashooyinka hogaanka xisbiga.

Is casilaada Shorten ayaa albaabada u furtay baratanka jagada hogaaminta Xisbiga Laborka, iyadoo ilaa iyo haatan uu shaaca ka qaaday baratankiisa Jagadaas Anthony Albanese, oo ah u qaabilsanaha xisbiga Laborka  Wasaarada Kaabayaasha, Gaadiidka iyo Horumarinta Gobollada, ninkan oo aad u amaanay hogaamintii Bill Shorten

 Mr Albanese ayaa dhinaca kalena sheegay in uu u sharaxanyahay hogaaminta Xisbiga Laborka, sheegeyna in uu yahay qofka oogu haboon dhanka Xisbiga Laborka dib u abaabulkiisa, kadib filan-waagii kasoo gaadhay doorashooyinkii federaalka.

 Mr Albanese ayaa sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa murashaxii hogaaminta xisbiga Laborka sida xoogan oola baratamay Bill Shorten sanadii 2013, kadib guul-daradii xisbiga Laborka kasoo gaadhey doorashooyinkii la qabtay, ee Kevin Rudd uu hogaanka Laborka hayay, isagoo muda yar uun Ra’iisulwasaara ahaa, kadib markii uu hogaanka Xisbiga Laborka kula tartamay Julia Gilad, kagana adkaaday, balse doorashooyinkii 2013 uu ka guulaystay Murashaxii Liberalka Tony Abbott.

 Sidoo kale magacyada lahadal hayey in ay kusoo biiraan baratanka ayaa waxaa ka mida ahaa ku xigaha hogaamiyaha Laborka Tanya Plibersek, balse goor dhaw ayay ku dhawaaqdey in ayna ku jirin baratanka.

 Chris Bowen oo ah u qaabilsana Qasnajiga Australia ee Xisbiga Laborka, ayaa isagana danaynaya baratanka balse wali aan go’aansanin.  

 


Share
3 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand