Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

The United Nations Security Council has unanimously imposed new sanctions on North Korea.

The United Nations Security Council has unanimously imposed new sanctions on North Korea.

Matthew Rycroft, left, Britain's ambassador to the U.N. and U.S. Ambassador Nikki Haley vote in favor of a resolution, Friday, Dec. 22, 2017,
Matthew Rycroft, left, Britain's ambassador to the U.N. and U.S. Ambassador Nikki Haley vote in favor of a resolution, Friday, Dec. 22, 2017, Source: AP

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si buuxda cunaqabatayn cusub oogu soo rogay wadanka Kuuriyada Waqooyi, sababa la xidhiidha tijaabadeedee ay bishii lasoo dhaafay tijaabisay gantaalkeede casriga ah ee  “ballistic” ah ee qaaradaha isaga goosha.

Qorshahan oo markiisii hore uu Maraykanku soo gudbiyey, ayaa waxa uu dhigayaa  in 90% badeecada laga sifeeyo batroolka in aan loo dhoofini karin wadanka Kuuriyada Waqooyi, iyada oo lagu xadaynayo in 500,000, oo balmiil kaliya ay gali karto wadanka Kuuriyada Waqooyi, sanadkii oo dhan.

Go'aankan ayaa sidoo kale waxa uu dhigayaa in cunaqabatayn dheeraada la saaro, hadii ay Kuuriyada Waqooyi tijaaba kale ku dhaqaaqdo oo dhanka hubka dilaaga ah.

Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegatay in gantaaladeeda qaaradaha isaga goosha, ay haatan beegsan karaan badanka dhulka maraykanka, kadib markii ay tijaabisay 29 bishii November  gantaalka loo yaqaano I-C-B-M.

Balse dhinaca kale, Kuuriyada waqooyi ayaa codsatay in la istaajiyo cuna-qabataynta lagu soo rogay, iyaga oo ku tilmaamay cunaqabataytii ugu danbaysay ee Golaha Amaanku uu kusoo rogay, in ay tahay xasuuq wadareed.

Ilaa iyo haatan, jawaabaha codsigoodaa laga siiyay ayaa waxa ay yihiin, in marka hore ay Kuuriyada Waqooyi u hogaansato codsiyada bahda aduunku ay mar hore u tabisay, kuwaas oo ayna Kuuriyada Waqooyi dhag jalaq u siinin.


2 min read

Published

Updated

Presented by Mohamed A Madar.

Source: SBS



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now